Hawl-gallo kala duwan ayay xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay deggaano ka kala tirsan gobollada Baay iyo Shabeellaha hoose.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Baay ayaa xalay qarax culus la beegsaday maleeshiyaad ku sugnaa saldhigga bari ee magaallada Baydhabo.
Sidoo kale dagaalyahannadu waxay xalay weerarro culus oo saf ballaadhan ah ku qaadeen xeryaha maleeshiyaadka Koonfur Galbeed ee xaafadaha Towfiiq iyo Makuudo ee magaalada Baydhabo.
Isla xalay waxaa dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen xerada Maleeshiyaadka maamulkaasi ee Ceel-hindi ee degmada Qansax-dheere.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in uu jiro khasaare gaadhay maleeshiyaadka la weeraray, walow aanaan helin faahfaahin dheeriya.
Dhanka gobolka Shabeellaha hoose waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ku beegsadeen xerada ciidamada Uganda ee degmada Qoryooley.
Sidoo kale dagaallo culus ayaa xalay lagu miray ciidamada Uganda ee ku sugan xeryaha garoonka diyaaradaha Baraawe iyo deggaanka Buur colow ee hoos-taga degmada Baraawe.
Maalinnimadii shalay waxaa dhacay qarax culus oo lala beegsaday guri ay ku shirayeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka DF-ka Soomaaliya.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in xubnaha goobtaasi la weeraray ku sugnaa uu ka mid ahaa guddoomiyaha maamulka Shabeellaha hoose.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in gabi ahaanba uu burburay gurigii la qarxiyey, kaas oo ku yaalla deggaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka caasimadda Muqdisho.