Al-Shabaab oo saacadihii u dambeeyey weeraray ciidanka Xabashida Itoobiya, Uganda iyo Kenya.

Thursday November 14, 2024 - 07:36:45
Liibaan Jeexoow
Al-Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku qaadday xerada ciidanka Kenya ee deggaanka Qarso ee hoos-taga degmada Qorof Xaraar ee gobolka Wajeer ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Sidoo kale dagaalyahannadu waxay xalay weerar culus ku ku qaadeen xerada ciidanka Kenya ee deggaanka Haluungo ee hoos-taga degmada Lafeey ee gobolka Mandheera ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday xerada ciidanka Xabashida Itoobiya iyo saldhigga maleeshiyaadka Koonfur Galbeed ee degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Isla xalay waxaa sidoo kale dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ku beegsadeen xerada ciidanka Uganda ee degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha hoose.

Isla Shabeelada hoose waxey Jihaadiyiintu xalay weerareen xerada Ugaandhiiska ee deggaanka Buur Colow ee hoos-taga degmada Baraawe.

Maalintii shalay dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa qarax la beegsaday, askar ka tirsan dowladda Fedaraalka oo ku socdaalayay duleedka degmada Ceel Waaq ee gobalka Gedo.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in qaraxan uu ku dhaawacmay 1 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka la weeraray oo saarnaa baabuur noociisu ahaa Cabdi Bile oo qaraxaasi uu haleelay.

Related Items

Update cookies preferences