Wasiir Fiqi oo sheegay in ay la xisaabtamayaan safiirro tegay Hargeysa.

Sunday November 17, 2024 - 07:15:18
Liibaan Jeexoow
Wasiirka Dibedda ee Dowladda Federaalka ninka lagu magacaabo Axmed M. Fiqi ayaa ka dhawaajiyey in safiirro kamid ah kuwa dalalka shisheeye ee Soomaaliya joogaa in ay ka dageen magaalada Hargeysa.
Fiqi ayaa intaa raaciyey in safiirradaas qaarkoodna Somaliland ku sheegeen dal kuwo kalena ay meel kaga dhaceen qarannimada Soomaaliya oo ah waddanka ay safiirnimada ku joogaan.

"Runtii waxa ayaandarro ah in safiirro ay Hargeysa hadal ka jeediyeen, taas oo safiirku uu qarinayo dalkuu safiirka ka yahay, qaarkoodna ay ku tilmaameenba country” ayuu yiri Fiqi.

Waxa kale oo uu carrabaabey in safiirkii Somaliland ku sheegay waddanka in ay u yeereen oo ay la xisaabtami doonaan. 

Fiqi waxa uu intaa ku darey in hadda ka dib warmurtiyeedyada dambe ee soo bixi doona lagu xusi doono keliya in Somaliland ay tahay gobol kamid ah Soomaaliya.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii diiddan in ay kamid tahay Soomaaliya inteeda kale waxa aanu maamulkaasi meel walba u marey sidii uu aqoonsi u heli lahaa illaa markii dambe ay bixiyeen qayb kamid ah dhulka badda Soomaaliya si ay aqoonsi ugu beddeshaan.

Related Items

Update cookies preferences