Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ka dagaallama wadanka Yemen ayaa qaaday mid kamida weeraradii ugu xooganaa ee abid lala beegsado ciidanka Badda Mareykanka tan iyo markii uu billaawday duullaanka Qaza.
Wararka ka imaanaya xeebaha dalka Yemen ayaa sheegaya in ciidanka Badda Xuuthiyiinta ay weerar culus ku beegsadeen sedax markab oo nuuca dagaalka ah kuwaas oo ay leedahay dowladda Mareykanka.
Weerarka koowaad ahna midka ugu culus waxaa lagu beegsaday markabka diyaaradaha xambaara ee loo yaqaan Abraham Lincoln kaasi oo waxyeello xooggan ay gaartay.
Gaashaanlle Yaxye Sariic oo ah afhayeenka ciidanka Xuuthiyiinta ayaa bayaan Video ah ku sheegay in markabka diyaaradaha xambaara ee Abraham Lincoln ay ku beegsadeen diyaarado Drones ah iyo gantaallada garbaha laga gemo xilli uu ku sugnaa biyaha badda Cas.
Weerarka 2aad ayaa beegsaday maraakiib nuuca wax burburiya ah xilli ay ku sugnaayeen biyaha Badda Carabta,muuqaal Video ah oo Xuuthiyiintu ay soo saareen ayaa muujinaya sawaariikh iyo gantaallada Drones-ka oo lagu beegsanayo maraakiibta Mareykanka.
Afhayeenka wasaaradda difaaca xukuumadda Washington ayaa shir jaraa'id ku xaqiijiyay in ay lakulmeen weerar culus oo uga yimid wakiillada Iiraan balse ay si adag isaga difaaceen sida uu hadalka udhigay.
Kooxaha Xuuthiyiinta ee maamulka waqooyiga Yemen ayaa ku guulaystay in ay go'doomin dhanka marinka badda ah kusoo rogaan maamulka Sahyuuniga ee xasuuqa ka wada Qaza waxayna hadda billaabeen in ay si toos ah ubeegsadaan maraakiibta dagaalka Mareykanka.