Weerarro xalay lagu miray Xabashida Itoobiya ee deggen Xudur iyo maleeshiyaadka Baardheere.

Friday November 15, 2024 - 08:21:44
Liibaan Jeexoow
Hawl-gallo habeen-dheelmad ah oo ay fuliyeen dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay gobollo ka tirsan koonfurta dalka Soomaaliya.
Xoogagga Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Bakool ayaa xalay dagaal culus ku qaaday xerada Xabashida Itoobiya ee degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xalay weeraray Bar Kantarool oo maleeshiyaadka dawladdu ku leeyihiin degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Khasaaraha ka dhashay dagaalladan weli ma aanaan helin, balse waxay qayb ka yihiin weerarrada joogtada ah ee sida weyn loogu naafeeyey soo-duulayaasha Afrikaanta iyo maleeshiyaadka ku daabban ee Soomaalida.

Related Items

Update cookies preferences