Shiinaha oo sheegay in uu Markab dagaal u soo dirayo Xeebaha Soomaaliya iyo Sababta.

Sunday November 03, 2024 - 16:30:33
Liibaan Jeexoow
Iyadoo qeyb ka ah loolanka loogu jiro boobka khayraadka Soomaaliya iyo lawareegitaanka wadada istiraatijiga ah ee uu dhaco, ayeey dowladda shiinaha waxa ay sheegtay in xeebaha Soomaaliya usoo dirayso mid ka mid ah maraakiibteeda dagaalka.
Warbaahinta xukumadda Biijiin ayaa ku warantay in sababta markabkan dagaal loogu soo dirayo Soomaaliya ay tahay in uu ka qeyb qaato ka hortaga waxa loogu yeero Burcad-badeedka.

Taliyaha maraakiibta ciidanka Shiinaha, Admiral Du Jingsheng, ayaa tilmaamay in ay ciidamadiisa ay u diyaar garoobeen howlgalk dheer oo ay ka fulinayaan Soomaaliya, kaas oo qeyb kaga noqonayaan ciidamada shisheeye ee dullaanka ku jooga xeebaha wadanka iyagoo huwan halkudhigga la dagaalanka burcad-badeedka.

Marka laga soo tago marmarsiyada uu shiinuhu sheegay in ay ciidamo ugu soo dirayo xeebaha Soomaaliya , waxaa dhanka kale ku hoos duugan ujeedo qarsoon oo lagu doonayo in lagu gurto kallunka ceegaaga baddeena.

Bishii December ee sanadkii 2008-dii ayey ahayd markii sidaan oo kale Shiinaha uu ciidamo iyo maraakiib dagaal usoo diray Soomaaliya isagoo xiligaasi qeyb ka ah isbihaysi ay hogaaminayaan dowladaha Reer-Galbeedka oo lagula wareegayay xeebaha dalka.

Related Items

Update cookies preferences