Donald Trump iyo Kamala Harris oo si adag ugu loollamaya doorashooyinka ka socda Mareykanka

Tuesday November 05, 2024 - 17:49:25
Liibaan Jeexoow
Wadanka Mareykanka waxaa maanta ka billaawday doorashooyinka rasmiga ah ee madaxtinimada dalkaas.
Malaayiin qof American ah ayaa maanta saacaddu markii ay ku beegneed 10:00 barqanimo udareeray sanaadiiqda cod bixinta si ay usoo doortaan madaxweynaha 47aad.

Saraakiisha guddiyada doorashooyinka ayaa sheegay in cod bixinta ay ka qeyb qaadanayaan inkabadan 230 mayan oo ruux,160 milyan oo kamid ah cod bixiyaasha ayaa ah kuwa diinwaangashan halka inta kale loo ogolaaday in ay codeeyaan iyagoo aan wax diiwaangelin ah marin.

Donald Trum oo ka socda xisbiga Jamhuuriga iyo Kamalla Harris oo metelaysa xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku loollamayo doorashadan oo lagu sheegay in ay kamid tahay doorashooyinkii ugu xamaasadda badnaa ee soo mara Mareykanka.

Kala qeybsanaanta bulsho iyo midda siyaasadeed ee dalka Mareykanka ayaa gaartay meeshii ugu xumeed, taageerayaasha Trump ayaa gobollada qaar lagu arkayaa iyagoo hubaysan hanjabaadna u jeedinaya taageerayaasha Dimuquraadiyiinta.

Kumanaan katirsan ciidamada Booliska heer Federaal ayaa lagu xoojiyay goobaha ay yaallaan sanaadiiqda doorashooyinka, warbaahinta maxalliga ah ayaa soo tebisay in labada musharrax ay ku loollami doonaan todobada gobol ee kala reebtada waxaana gobolladdaas kamid ah Mishigan,Pennsylvania iyo North Carolina.

Lama saadaalin karo cidda ku guulaysan doono doorashooyinka basle waxaa loo badinayaa in dadka American-ka ah aysan dooran doonin haweenay haddiise ay doortaan waxay noqon doontaa markii ugu horraysay oo ay haweenay hoggaan ka dhigtaan

Related Items

Update cookies preferences