Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in mid ka mida diyaaradaheeda casriga ah ay kusoo dhacday Soomaaliya xilli ay Ku howllaneed falal cadawtooyo.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka dowladda Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in mid ka mida diyaaradahooda dagaalka ay ku dhacday deggaan dhaca Koonfurta Soomaaliya.
Taliska Africom ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku xaqiijiyay warar sheegayay in mid ka mida diyaaradaha casriga mareykanka ay kusoo dhacday deegaan qiyaastii 85Km u jirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Mareykanku wuxuu sheegay in diyaarad drone ah oo nuuceedu yayahay MQ-1C ay ku dhacday deegaan ka tirsan Shabeellaha hoose.
"Diyaarad nuuceedu yahay MQ-1C oo uu leeyahay ciidanka Mareykanka ayaa ku burburtay Koonfurta Soomaaliya saacaddu markii ay ku beegneed 12:40 duhurnimo taariikhdu markii ay aheyd 5 November welina waxaa socda baaritaannada ku aaddan waxa sababay in diyaaraddu soo dhacdo"ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska AFRICOM.
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in aan weli la garan sababta diyaaraddo u soo dhacday in si iskeed ah ay u soo dhacday iyo in lasoo riday.
Diyaaradda MQ-1C ee Mareykanka uga soo dhacday Shabeellaha hoose ayaa suuqyada ka joogta lacag ka badan 21.5 Bilyan oo dollar waxayna ku qiima dhowdahay diyaaradda MQ9 oo dhowr ka mid ah bilihii lasoo dhaafay mareykanka looga soo ridayay dalka Yemen.
Dowladda Mareykanka ayaa si toos ah iyo si dadban uga qeyb-qaadanaysa duullaanka lagusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah.