DEG-DEG: Trump oo mar kale ku guuleystay doorashadii Mareykanka.

Wednesday November 06, 2024 - 12:00:39
Liibaan Jeexoow
Donald Trump oo hore u soo noqday madaxweynihii 45aad ee Mareykanka ayaa saaka ku guuleystay in uu noqdo madaxweynihii 47aad ee Mareykanka.
Donald Trump oo hore u soo noqday madaxweynihii 45aad ee Mareykanka ayaa saaka ku guuleystay in uu noqdo madaxweynihii 47aad ee Mareykanka. 

Doorashada waxa ku tartamayey Kamala Harris oo ka socotey Xisbiga Dimuquraadiga iyo Trump oo ka socda Jamhuuriga.

Trump waxa uu helay aqlabiyadda codadka shacabka iyo aqlabiyadda Golaha Kongareska Mareykan taas oo ka dhigaysa in uu si fudud u samayn karo shuruuc cusub oo dalkaasi yeesho.

"Waxaanu ku guuleysannay wilaayaadka muhiimka ah waxa aanan sidoo kalnay maamulkiisa la wareegnay Golaha Kongareeska, Mareykanka waxaan ka dhigi doonaa mid weyn xuduudkana waan xiri doonaa” ayuu yiri Trump.

Reysal Wasaaraha Yuhuudda Netanyahu ayaa kamid noqday madaxda hambalyada u direy Trump isla markaana soo dhaweeyay guushiisa. Waxa kale oo hambalyo u direy Trump madaxweynaha Faransiiska, Reysal Wasaaraha Ingiriiska iyo Madaxweynaha Yukrayn Zelenisky.

Madaxda Midowga Yurub ayaa la sheegayaa in ay ka wada hadlayaan sidii ay iskood isugu difaaci lahaayeen maaddaama mar hore Trump sheegay in waddankii aan lacagta la ilaalinayo iska bixinayn in laga tegi doono.

Hore waxa ballanqaadyadii Trump kamid ahaa in uu muddo 24 saac gudaheeda ku soo afjari doono dagaalka Ruushka iyo Yukrayn.



Related Items

Update cookies preferences