Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan wada-jir ah ayaa ansixiyay hab-raaca fadhiyadda wada-jirka ah ee ansixinta wax ay ku sheegeen saddex hindise-sharciyeed oo la xidhiidha qorshaha doorasho ee qof iyo codka ah.
Saddexdan hindise-sharciyeed ayaa waxaa ku shaqeyn doona guddiga ku meel-gaadhka ah ee labada aqal ee baarlamaanka ee u xil-saaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe-howleedka guddiga.
170-Xildhibaan ayaa u codeysay maanta, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay, waxaana sidaas ansax ku noqday hab-raaca fadhiyada wada-jirka ah sida uu sheegay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo Xeerarkan la ansixiyey ayaa ahaa kuwii uu ka taagnaa khilaafka ugu weyn ee haatan ka dhex aloosan dawladda federaalka Soomaaliya oo dhinac ah iyo maamullada Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiin waaweyn oo iyaguna isku dhinac ah.