Xildhibaannada metela Puntland oo taageeray xildhibaannada dhiggooda ah ee Jubbaland qaadacay-na xeerarkii BFS ansixiyey.

Tuesday November 12, 2024 - 13:31:55
Liibaan Jeexoow
War-saxaafadeed goor dhawayd ay soo saareen 26 Xildhibaan oo Puntland ku metela labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka hor-yimi sharci-darrona ku tilmaamay ansixintii shalay ee BFS ku meel-mariyey hindise-sharciyeed saddex ah oo la xidhiidha qorshaha doorasho qof iyo cod ah.
Xildhibaannadu waxay si cad u sheegeen in aanay qayb ahayn hindise-sharciyeedyadan shalay la ansixiyey, oo ay ku tilmaameen jujuub la rabo in si sharci-darro ah lagu marsado goleyaasha sharci-dejinta.

Sidoo kale xildhibaannadani waxay taageero buuxda u muujiyeen xildhibaannada dhiggooda ah ee Jubbaland ku metela labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwaasoo iyaguna ganafka ku dhuftay hindise-sharciyeedyadan shalay la ansixiyey.

Waxa kale oo xildhibaannada Puntland ay si buuxda u barbar istaageen go’aanka maamulka Jubbaland ee qabasashada doorasho dadban, walow dawladda federaalku ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah oo Axmed-madoobe ku rabo sidii uu dib isugu soo caleemo-saari lahaa.

"Waxaan ka digaynaa tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah xasilloonida iyo nabadda deggaannada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo ay gacanta kula jirto xukuumadda federaalka Soomaaliya…” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka xildhibaannadu ay soo saareen.

DF-ka Soomaaliya ayay xildhibaannadu ugu digeen muddo korodhsi ay u samayso maamul-goboleedyada. Iyagoo ku boorriyey in lagu garab galao sidii ay u qabsan lahaayeen doorashooyinkooda. Waxaanay shaaca ka qaadeen in madaxda DF-ku aanay lahayn sharciyad ay muddo-xileedka ku kordhisan karaan ama cid kale ugu kordhin karaan.

Related Items

Update cookies preferences