C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo ka mida xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir jaraa'id oo maanta uu ku qabtay magaallada Muqdisho kaga hadlay boobka hantida ummadda iyo khilaafaadka sii cakirmaya ee ka dhex aloosan Villa Somaliya iyo Jubbaland.
Xildhibaanka ayaa ugu horeyn waxa uu sheegay in dawladda Xasan Sheekh ay ku caan-baxday eex,, musuq, karti-xumo iyo hal-abuur la’aan.
Waxa uu xildhibaanku calaamatu-su’aal saaray cidda dalka kusoo hadhay mar haddii buu yidhi ay maqan yihiin Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.
Waxa kale oo Xildhibaanku ka dhawaajiyey in guddoomiyaha baarlamaanka Aadan-madoobe, guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay saddexdooduba isku bahaysteen sharci-darro.
Jubbaland ayuu xildhibaanku soo hadal-qaaday, waxaanu sheegay inay xaq u leedahay in ay qabsato doorashooyinkeeda. Waxaanu ku tilmaamay diiddada ka timi Xasan Sheekh inay tahay mid shakhsi ah, isla markaana damac shakhsi aan dal lagu wadi karin.
C. C/Shakuur ayaa sidoo kale soo hadal-qaaday boobka iyo budh-cadnimada beryahan dambe xadhkaha goosatay ee ay waddo xukuumadda Xasan Gurguurte. Waxaanu xusay in maalin walba la barakiciyo dad masaakiin ah. Isagoo tusaale u soo qaatay arday aroor hore ka kallahday guryahoodii oo bad-qaba kuna soo laabtay iyagoo la dumiyey.
Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu farta ku fiiqay dhulkii Jaamacadda Ummadda oo uu sheegay in haatan iyaduna ay kawaanka saaran tahay oo la boobayo, dad gaar ahina sheeganayaan, waxaanu ku sifeeyey sharci-darro weyn.
"Hantidii ummadda mid mid ayaa loo iibiyaa, sharcigii u yaallayna cid ku dhaqantaa ma jirto. Haddii aad rabtana madaxtooyadaad tagaysaa, madaxweynahaad la gorgortamaysaa, lacagta isagaad u shubaysaa, isagaana kaa qaadanaya…” ayuu yidhi C. C/Shakuur.
Xildhibaanka ayaa xusay in Wasiirrada laftarkooduna ay qaadeen dhabbihii Xasan Sheekh, kadib markay arkeen ayuu yidhi madaxweynihii oo iibsanaaya hantidii qaranka. Isla markaana ay iyaguna haatan u tafa-xayteen boobka hantida ummadda Soomaaliyeed.
C/Raxmaan C/Shakuur oo iftiiminaya heerka uu maraayo horornimada kooxda Villa Somaliya ayaa yidhi "Dawladdii dhamayd waxay noqotay xaggay wax ku jiraan, intee manfac yaallaa, xaggee shilin laga helaa, xaggee dhac-dhac ku jiraa oo aan wax ka raadiyaa. Halkee isbaaro la dhigi karaa…”
Waxa uu sheegay isbaarooyinkii 1996-kii yaallay magaallada Muqdisho ay haatanna yaallaan iyagii oo sharciyaysan loona samaystay Sharikado khidmo-qaad ah. Waxaanu carrabaabay in hantidii qaranku ay ku dhacdo dad gaar ah jeebabkooda.