Xilli uu sii dhammaanayo waqtiga ciidamada gummeysiga Afrikaanta ee duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa la hadal-hayaa sida uu noqon doono mustaqbalka maamullada dabadhilifyada ah ee dalka ka jira.
Machad laga leeyahay wadanka Jarmalka ayaa sheegay in tobanaan kun oo askar Itoobiyaan ah ay ku suganyihiin dalka Soomaaliya kuwaas oo aan kamid aheyn isbahaysiga Afrikaanta ee loo yaqaan ATMIS.
Warbixin dhowr Page ka kooban oo uu daabacay machadka SWP ayuu ku sheegay in Itoobiya ay Soomaaliya ka joogaan Tobanaan kun oo askari kuwaas oo aan cidna ka amar qaadan.
Waxay warbixintu sheegtay in 10,000 oo askari itoobiyaan ah ay ku suganyihiin magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ciidamadaas oo aan ka amar qaadan midowga Afrika balse fulinaya wax uu ugu yeeray danaha gaarka ah ee Itoobiya oo uu ula jeedo gummeysiga shacabka Soomaaliyeed.
Machadka SWP ayaa warbixiintiisa ku muujiyay in xukuumadda Xasan Gurguurte aysan awood u laheyn in ciidankaas faraha badan ee Itoobiyaanka ah ay dalka ka saarto.
SWP ayaa ciidamada Xabashida ee Soomaaliya ku sugan geliyay kaalinta 1aad halka ciidamada Uganda oo gaaraya 7,000 oo askari ay yihiin kuwa labaad ee ugu badan soo duulayaasha Afrikaanta.
Marka lagasoo tago warbixinta uu daabacay machadka Jarmalka waxaa laqiyaasayaa in Itoobiya ay Soomaaliya ka joogaan ciidamo ka badan 40,000 oo askari.