Saacadihii u dambeeyey waxaa dhacay qarax culus oo lala beegsaday gaadhi ay la socdeen maleeshiyaadka DF-ka Soomaaliya ee magaallada Muqdisho ee gobolka Banaadir.
Qaraxan oo si gaar ah uga dhacay degmada Dayniile ayaa waxaa lagu gubay gaadhigii la beegsaday oo noociisu ahaa Cabdi Bile, waxaana ku dhintay 4 askari, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in Bishaar Siyaad oo ka mida maleeshiyaadka dhaawacmay uu horey usoo noqday Taliye Urur, dhaawaciisuna yahay mid garaab ah.
Dhanka gobolka Shabeellaha hoose waxaa ka dhacay qaraxyo lala beegsaday kolonyo ciidamo Ugaandhiis ah oo ku socdaalayay inta u dhexeysa deggaannada Buufow iyo Numbar60.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in qaraxyadaasi uu ku bakhtiyey hal askari oo Ugaandhiis ah, 6 kale oo saddex ka mid ah garaab yihiin ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale qarax ciidanka Uganda lagula beegsaday agagaarka deggaanka Ceel-wareegow ayaa waxaa ku bakhtiyey 1 askari oo Ugaandhiis ah. Waxaana lagu gubay 1 gaadhi.
Waxa kale oo xalay gobolkan ka dhacay dagaal culus oo dagaalyahannada Al-Shabaab ku qaadeen xerada ciidanka Uganda iyo saldhigga maleeshiyaadka dawladda ee degmada Jannaale.
Gobolka Bakool, waxaa xalay weerar xooggan lagu qaaday xerada Xabashida Itoobiya iyo saldhigga maleeshiyaadka Koonfur Galbeed ee degmada Xudur.
Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab waxay xalay weerar culus ku mireen fadhiisinka maleeshiyaadka Laftagareen ee degmada Waajid.
Haddii aynu milicsano dhanka gobolka Baay, waxaa isna xalay ka dhacay dagaal culus oo lagu miray maleeshiyaad ku sugan xerada loo yaqaan Xero-Koowaad ee degmada Diinsoor.