War-murtiyeed ay maanta soo saareen 35 Xildhibaan oo Jubbaland ku metela baarlamaanka labada Aqal ee federaalka ayaa si cad uga hor-yimi ansixintii BFS maanta ay ku meel-mariyey xeerarkii ku saabsanaa doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka.
Xildhibaannada ayaa ugu horreyn Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoonka labada Aqal ee barlamaanka ku eedeeyey inay qaadeen tallaabooyin sharci-darro ah oo sii hurin kara khilaafaadka, kana muuqdo deg-deg iyo isku-dhex-yaac maamul.
Waxa kale oo xildhibaannadu ku eedeeyeen dawladda federaalka inay ku sifawday odhaahda ah "Loo joojin mayo”, taasna ay ka markhaati-kacayso ayay yidhaahdeen sida ay iskaga indho-tirayso xaqiiqda isla markaana aanay jirin cid ay ixtiraam u hayso.
Xildhibaannadu waxay sheegeen inay si adag uga soo hor-jeedaan una cambaaraynayaan in xeerka doorashooyinka, xeerka xisbiyada iyo xeerka guddiga doorashooyinka la hor-keeno labada aqal ee baarlamaanka, maadaama aan loo soo marin ayay yidhaahdeen hab-raacii sharciga ahaa ee golayaasha lagu hor-geyn lahaa.
Sidoo kale xildhibaannadu waxay si cad uga hor-yimaaddeen, sharci-darrona ku tilmaameen xeerarka iyo guddiga KMG ah ee ay magacaabeen guddoonka labada aqal. Waxaanay caddeeyeen in aanay qayb ka noqon doonin meel-marinta guddidaasi iyo xeerarkaasi, iyagoo xildhibaannada kalena ugu baaqay inay sharci-darradaasi ka hor-tagaan.
Xildhibaannadu waxay war-murtiyoodkoodan kusoo dhaweeyeen isla markaana ay bogaadiyeen magacaabista guddiga doorashada Jubbaland. Waxaanay cambaareeyeen hagardaamo ay sheegeen in DF-ka Soomaaliya ku mijo-xaabinayso dagaalka ay Jubbaland kula jirto Al-Shabaab.
Waxa kale oo xildhibaannadu ugu baaqeen DF-ka Soomaaliya in ay joojiso faro-gelinta sharci-darrada ah ee ay ka waddo ayay yidhaahdeen deggaannada Jubbaland. Gaar ahaan faro-gelinta doorashada, amniga kala-qaybinta bulshada.
Sidoo kale waxay xildhibaannadu ugu baaqeen maamul-goboleedyada kale in ay qabsadaan doorashooyinkooda kana waantoobaan muddo-korodhsi sharci-darro ah. Iyagoo dalalka shisheeye ee gumaystana ugu baaqay inay si dhow ula socdaan ku-xad-gudubka shuruucda, hubanti la’aanta siyaasaded iyo khal-khal gelinta bulshada.
Qaylo-dhaantan xildhibaannadan ayaa imanaysa kadib markii maanta labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay kulan wada-jir ah oo ay yeesheen ku ansixiyeen saddex hindise-sharciyeed oo la xidhiidha qorshaha doorashada la isku khilaafsan yahay ee qof iyo codka ah.