Dawladda Federaalka Soomaaliya oo cambaarayn, goodis iyo digniin u dirtay Axmed-madoobe.

Sunday November 10, 2024 - 11:05:18
Liibaan Jeexoow
Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadashay khilaafka ka dhex aloosan iyaga iyo hoggaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland ee Axmed-madoobe.
lkBayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha DF Somaliya ayaa lagu sheegay in Axmed-madoobe uu qayb ka ahaa heshiisyo lagu go’aamiyey midaynta doorashada dalka oo noqon doonta qof iyo cod.

Heshiisyadaasi ayay dawladdu sheegtay in Axmed-madoobe uu ka hor-yimi fulintooda. Waxaanay ku eedaysay in uu rabo doorasho dadban oo isagu maamulo dib-na isugu soo caleemo-saaro.

Dawladda ayaa sheegtay in Axmed-madoobe uu si badheedh ah ugu ballan-furay heshiisyo ay ka mid ahayd doorasho qof iyo cod ah oo ummadda horteeda ku ballan-qaaday kuna saxiixay.

Waxa kale oo DF-ka Somaliya xustay in Axmed-madoobe uu sidoo kale ka baxay heshiis uu la galay saamileyda siyaasadda Jubbaland oo muddo-xileedka madaxweynaha looga dhigay 2 jeer oo kaliya. Balse uu gacantiisa ku bedelay qodobkii heshiiskaasi dhigayey.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in muddo-xileedka Axmed-madoobe uu dhammaaday bishii August 2023, wixii intaa ka dambeeyeyna uu xilka kusii hayay heshiis siyaasadeed oo ay wada-galeen DF-ka iyo dawlad-goboleedyada si looga wada-shaqeeyo doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale waxaa bayaankan lagu xusay in Axmed-madoobe tan iyo intii uu muddo-xileedku ka dhammaaday aanu haysan sharciyad uu wax kaga beddeli karo distoorka ama uu ku qabsan karo doorasho aan ahayn tii lagu heshiiyey.

"Dawladda federaalka waxaa waajib ka saaran yahay, ilaalinta iyo fulinta dhammaan heshiisyadii ay madasha Wadatashiga Qaranku hore u gaareen, lagamana aqbali karo cidkasta oo qaadda tallaabo sharci-darro ah, oo khilaafsan wixii lagu heshiiyey” ayaa lagu yidhi bayaanka wasaaradda daakhiliga.

Dawladda federaalku waxay cambaarayn iyo digniin u dirtay sharci-darrona ku tilmaantay guddi doorasho oo uu magacaabay Axmed-madoobe. Waxaanay ugu baaqday bulshada reer Jubbaland samaynta ficillo ka dhan ah qorshayaasha Axmed-madoobe.

Bayaankan ayaa imanaya kadib markii Axmed-madoobe magacaabay guddi-doorasho, isla markaana fashilmeen isku-dayo dhawr ah oo qayb ay ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dawladda federaalka, dawladda Kenya iyo UN-ka, kuwaas oo la doonayay in la iskugu soo dhaweeyo Xasan Gurguurte iyo madaxa maamulka Jubbaland ee Axmed-madoobe.

Related Items

Update cookies preferences