Magaalada Addis Ababab ee caasimadda wadanka Itoobiya waxaa ka furmay shir ballaaran oo looga arrinsanayo xaaladaha liita ee ka jira gobollada ay ay dagaalladu ka socdaan ee wadankaasi.
Shirkan waxaa soo qaba qaabisay waxa loogu yeero Q.Midoobay waxaaba ku sugan hay'ado kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha bani'aadanimada.
Ka hor inta aan shirka laqaban ayuu murun badan dhaxmaray Abiy Axmed iyo Q.Midoobay waxayna labada dhinac isku maandhaafeen ajandayaasha shirka.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa diiday in shirka lagusoo qaado wax ku saabsan arrimaha siyaasadda balse taas bedelkeed waxay soo jeediso in diiradda lagu saaro sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan.
Mas'uul u hadlay waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa madasha shirka ka sheegay in dowladda Itoobiya ay diidantahay in xayiraadaha ay ka qaaddo deegaanno katirsan ismaamullada Amxaarada iyo Oromada halkaas oo ay dagaallo ka socdaan.
"Haddii aan shirka Addis Ababa ka furmay si dhab ah loogu xallinayn dhibaatada ka taagan Itoobiya waxay aheyd in Nairobi lagu qabto oo dhammaan dhinacyadu kasoo qeyb galaan xaqiiqdana lagu gorfeeyo" waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay UN-ka.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in Abiy Axmed uu madaxweynaha Kenya oo dhowaan Addis Ababa booqday ka codsaday in Nairobi aysan noqon goob lagu qabto shirarka ka dhanka ah dowladdiisa.
Inkabadan 12 Milyan oo qof Amxaara ah ayaa la sheegay in ay isaga barakaceen guryahooda halka kumanaan kale ladilay, musiibada ugu daran waxay ka taagantahay dhulka beerashada ku wanaagsan oo dhinacyada dagaallamaya ay miinooyin ku aaseen waxaana laga digayaan in xaalad macluul ah ay gobolkaasi ka dillaacdo.
Sidoo kale deegaanno katirsan ismaamulka Oromada ayaa lagasoo sheegayaa wax u eg go'doomin waxaana tuulooyinka qaar duqeymo ba'an ka geysanaya diyaaradaha Drones-ka Turkiga ee xukuumadda Abiy ay soo kiraysatay.