Guddoomiyaha Doorashooyinka Somaliland oo ka hadley doorashadii shaley.

Thursday November 14, 2024 - 13:55:37
Liibaan Jeexoow
Muuse Xasan oo ah Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka maamulka Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadley tafaasiil la xiriirta doorashadii shalay ka qabsoontay deegannadaas.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka hore ay soo saari doonaan natiijada hordhaca ah taas oo ay u gudbin doonaan Maxkamadda Sare si ciddii dood ka qabtaa dacwad ugu gudbiso Maxkamadda, ka dibna ay ka dambaysiin doonaan natiijada rasmiga ah.

Waxa kale oo uu intaa ku darey in la joojiyo natiijooyinka bulshada loo tebinayo isla markaana laga warsugo iyaga.

"Waxa baraha bulshada la isla wadaagayey odorosyo natiijooyin hordhac ah, oo ah sharci darro. Waxaan uga digaynaa dhammaan masuuliyiinta Xisbiyada, Ururrada iyo bahweynta Warbaahinta in ay baahiyaan natiijo aan ahayn ta Komishanka” ayuu yiri guddoomiye Muuse Xasan.

Weli waxa dadku ka warsugayaan natiijada doorashada iyo cidda loo cumaamadi doono hoggaanka maamulka la baxay Somaliland.

Related Items

Update cookies preferences