Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxa kooxda Villa Soomaaliya ayaa socdaal aan horay loo sii qorshayn ku tagay magaalada Abu Dubai ee dalka imaartaaka carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay hoggaamiyeyaasha dalkaasi.
Ilo-wareedyo ayaa soo sheegay in Xassan Gurguurte uu Abuu Dubaay u tagay dhowr arrimood oo ku saabsan xal u helidda khilaafka kala dhaxeeya maamullada Puntland iyo Jubbaland oo ah maamullo ay tabantaabiso Imaaraadka Carabta.
Madaxda dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lasoo wariyay in uu Gurguurte uu kaga cowday taageerada ay Imaaraadku siiyaan maamullada Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, isagoo u sheegay in labada maamul ay hadda mucaarad wayn ku yihiin ajendeyaasha xukuumaddiisa.
Xassan ayaa dhanka kale lasoo wariyay in madaxda Imaaraadka u soo jeediyay inay qaataan door dhexdhexaadin ah oo ay kala samayso maamulka Abiy Axmed, wuxuu sheegay in Itoobiya diidday wax walba oo muujinaya inay usoo dabacdo dhanka Muqdisho si heshiiska dhankooda u saxiixaan, Itoobiya ayuu sheegay inay hadda ku adkeysanayso fulinta heshiiskii uu Muuse Biixi Cabdi badda ku bixiyay.
Soo jeedinta Xassan Sheekh Maxamuud ee ah in lala heshiisiiyo Abiy Axmed ayaa kusoo beegantay kadib markii uu Turkigu kusoo fashilmay tiraba dhowr fadhi oo uu ku doonayay in saxiixa heshiiskii xaaraanta ahaa uu kasoo weeciyo Hargaysa una soo wareejiyo dhanka maamulka Muqdisho, kaddib markii ay Itoobiya ku adkeysatay in heshiiska Soomaaliland la galeen aysan ka laabanayn.
Dhanka kale Khalid bin Maxamed bin Zayid Al Nahyan, oo ah Dhaxal sugaha dowladda Imaaraadka Carabta sidoo kalena ah guddoomiyaha Golaha Fulinta Abu Dubaay ayaa isaga oo hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka socda Abuu Dubaay gaaray magaalada Addis-ababa, waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha xabashida, Abiy Axmed.
Imaaraadka ayaa ka mida dowladaha sida wayn u taageera Itoobiya, waana dowladda ka taageerta dhanka dhaqaalaha sida dekadaha, oo ay ka mid tahay Berbera oo Imaaraadku saami ka siiyay xabashida Itoobiya.
Booqashadiisii Imaaraadka markuu soo gabogabeeyey ayuu Xasan Gurguurte haddana uga sii gudbay dalka Jarmalka oo maanta uu ka degay magaalada Berlin ee caasimadda dalkaasi, kadib markii sida la sheegay uu marti-qaad ka helay R/Wasaaraha dalkaasi Olaf Scholz.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu kulamo la qaadan doono R/wasaaraha dalka jarmalka isla markaana uu ka qeyb-geli doono Shirweyne dalkaasi lagu qaban doono oo la sheegay in lagu gorfaynayo maalgashiga Afrika iyo Jarmalka.