Waxaa markale barriiqday isku dayo lagu doonayo in laysigusoo dhaweeyo Xasan Gurguurte iyo hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Jubbaland ee daacadda u ah dowladda Kenya.
Kadib shirar maalmo qaatay oo Kismaayo uga socday mas'uuliyiin katitsan dowladda Kenya iyo Axmed Madoobe islamarkaana ladoonayay in xal loogu helo khilaafka udhaxeeya Xasan Gurguurte iyo hoggaamiyaha maamulka dabadhilifka Jubbaland ayay dadaalladaasi kusoo idlaaday guuldarro.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in wasiirka difaaca Kenya iyo taliyaha Sirdoonka ay iyagoo faramarin dib uga laabteen Kismaayo, Axmed Madoobe ayaa ka biya diiday dhammaan qodobadii dhex-dhaxaadinta ee loosoo bandhigay kuwaas oo uu usoo dhiibay William Ruto.
Xubno katirsan wafdiga Kenya oo dib ugu laabtay magaalada Nairobi ayaa lagasoo xigtay in ay ku qanceen dhammaan doodaha Axmed Madoobe islamarkaana uu ku adkeystay qabsashada doorashooyin isaga u gaar ah.
Max'med Cabdi Afeey oo horay uga tirsanaa ururka IGAD islamarkaana booqday Kismaayo ayaa sheegay in ay lasoo kulmeen wax ka duwan wixii uu Xasan Gurguurte usheegay madaxda Kenya.
Wararka ayaa intaas ku daraya in hoggaamiyaha maamulka dabadhilifka Jubbaland uu isku diyaarinayo in uu qabsado doorasho uu isagu isku caleema saari doono islamarkaana uusan uu diidanyahay hab mamaulka siyaasadeed ee Xasan Gurguurte.
Ninkan oo Kenya wakiil uga ah Jubadda Hoose ayaa isku arka siyaasi ka awood badan Xasan Sheekh wuxuuna isbuucii hore si cad u sheegay in maleeshiyaadkiisu ay ku fashileen olole dagaaleedkii ka dhanka ahaa Shabaabul mujaahidiin isagoo DF-ka ku eedeeyay in ay ka baxday dhammaan ballamihii ay ay horay ula gashay.
Waa markii 2aad oo ay fashilmaan isku dayo lagu doonayay in lagu dhex dhexaadiyo hoggaamiyaasha maamullada Villa Somalia iyo Kismaayo, James Swan ayaa horay sidaan oo kale ugu fashilmay in uu Axmed Madoobe dib ugu celiyo Muqdisho..