Maxaa ka jira in Xamse Cabdi Barre laga hor-joogsaday safar uu ku tagi rabay magaallada Kismaayo?

Tuesday November 12, 2024 - 17:08:47
Liibaan Jeexoow
Maalmahan u dambeeyey waxaa sii laba-laxaadsaday xurgufta siyaasadeed ee ka dhexeysa dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka la baxay Jubbaland.
Khilaafkan oo in muddo ah soo jiitamaayay ayaa haatan maraaya heer uu maamulka Jubbaland uu xidhiidhka u jaro dawladda federaalka Soomaaliya.

Axmed-madoobe ayaa qaaday tallaabooyin uu amniga ku adkaynayo, waxaanu ciidan fara badan ku daadiyay guud ahaan xaafadaha kala duwan ee magaallada Kismaayo.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in R/Wasaare Xamse Cabdi Barre uu saacidhii u dambeeyey qorshaynayay safar uu rabay in uu ku tago magaallada Kismaayo.

Safarka R/Wasaaraha oo salka ku haya khilaafkaadka siyaasadeed, ayay wararku sheegayaan in maamulka Jubbaland uu ka cudur-daartay booqashadaasi albaabadana ka xidhay.

R/Wasaaraha ayaa la sheegayaa in ay u cuntami wayday jawaabta Jubbaland, waxaanu xidhiidh la sameeyey ciidadama ATMIS ee jooga garoonka diyaaradaha ee magaallada Kismaayo.

Warqad kasoo baxday xafiiska R/Wasaaraha oo dhex-socotay baraha bulshada ayuu R/Wasaaruhu ku war-gelinayaa ciidamada Kenya ee ku sugan garoonka Kismaayo in wefti uu hoggaaminayo ay maanta oo ay bishu tahay 12/11/2024 ku aaddan yihiin magaallada Kismaayo.

Ciidamada Kenya ee garoonkaasi gacanta ku haya ayaa la sheegayaa in iyaguna ay ka cudur-daarteen booqashadaasi, una sheegeen R/Wasaaraha in aanay wakhti xaadirkan oo xaaladdu ay xasaasi marayso aanay qaadi karin mas’uuliyadda amnigiisa.

Ilo-wareedyadu waxay intaasi ku darayaan in R/Wasaare Xamse Cabdi Barre uu sidoo kale liqi kari waayay war-celinta ciidanka Kenya, waxaana la sheegayaa inuu haatan ku gudo-jiro qorshaynta safar dhanka Badda ah oo uu ku tago magaallad Kismaayo.

War-fidiyeenka qaar ayaa ku warramaya in saacadihii u dambeeyey la geeyey garoonka magaallada Kismaayo hub aad u fara badan oo waliba ah hubka culus, kana mid yihiin qoryaha Zuugga, waxaana qaab dhoola-tus ah maanta loogu baahiyey baraha bulshada.

Maaha markii ugu horreysay oo waji-gabax caynkan oo kale ah uu la kulmo Xamse Cabdi Barre, balse waxaa horey sidan oo kale looga diiday magaallada Garoowe kadib markii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabbdullaahi Deni ku tilmaamay in uu xog-haye u yahay Xasan Sheekh.

Related Items

Update cookies preferences