Howlgalka ciidamada Afrikaanta kaga jiraan Somaliya ayaa wajahaya xaalad hubanti la'aan ah, xilli dhanka kale dalalka caalamiga ah ay ka walaacan yihiin sida uu noqon doono mustaqbalka isbahaysigaasi.
Warbixin uu daabacay mowqica the East African ayaa lagu sheegay in howlgalka loogu magaca daray ATMIS uu ku jiro marxalad adag, caqabado dhowr ah ayuu sheegay in howlgalkaasi uu wajahayo.
Caqabadaha ku hor gudban howlgalkan ayuu sheegay inay ka mid tahay dhaqaale la’aanta, isaga oo sheegay in tan ugu wayn ee hadda taagan isla markaana aan la isku soo qaadin ay tahay maal-gelinta howlgalka cusub ee la qorsheynayo in uu beddelayo ATMIS.
Mowqica ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in xiisadaha u dhexeeya kooxda Somaliya iyo dowladda Itoobiya ay qayb ka yihiin caqabadaha uu wajahayo howlgalku, waxayna warbixintu sheegtay in qalalaasahaasi u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya uu dhaliyay maal-gelin la’aanta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Hubinta la’aanta howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya arrimaha keenay waxaa ka mid ah in aysan jirin maal-gelin ay isku raaceen beesha caalamka, waxay ugu yeeraan golaha ammaanka ee ururka qaramada midoobay-na uu ka walaacsan yahay taageerada ay siin karaan howlgalka cusub ee loogu magac-daray AUSSOM.
Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli Xassan Sheekh Maxamuud oo socdaal kusoo maray dowladaha afrikaanta ah ee ay ciidanka murtazaqada ah ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo uu ka codsaday in howlgalka aysan qayb ka noqon ciidanka Itoobiya, Addis-ababana ay dhankeeda qabsatay shir-weyne kaasi oo ay isugu yimaadeen wasiirada difaaca dalalka isbahaysigaasi, si ay u taageeraan in Itoobiya qayb ka noqoto howlgalka cusub ee hubanti la’aanta ah.