Goobaha ganacsiga xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa la xiray iyadoona shacabka soomaalidu ay dhigayaan dibad-baxyo ka dhan ah dilalka qorshaysan.
Xaafadda ay dadka soomaalidu ku badanyihiin ee Islii magaalada Nairobi waxaa weli ka taagan xaalad anfariir ah oo ka dhalatay dilal fool xun oo lagula kacay dad soomaali ah.
Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in maanta uu hakad kujiro suuqa ganacsiga xaafadad Islii sababa laxiriira ciidamo boolis ah oo lagusoo daadiyay dhammaan waaxaha ay xaafaddaasi ka tirsantahay.
Ganacsatada ayaa lagu wargeliyay in suuqu uu yahay mid xiran, shacabka Islii ayaa iyana dhigaya iskusoo baxyo ballaaran oo ay uga cabanayaan dilalka iyo afduubka xad dhaafka ah ee ka socda xaafadda.
Yuusuf Xasan oo kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Kenya oo tagay xaafadda ay soomaalidu ku badantahay ayaa ku dhawaaqay in goobaha ganacsiga albaabada loo laabayo isla markaana ciidamo dheeraad ah lagu daadinayo goobaha ganacsiga Islii.
Habeen hore ayay ahayd markii koox aan weli haybtooda la aqoonsan ay dileen sedax haween ah iyo nin darawal ka ahaa gaari taksi ah kuwaas oo dhammaantood ahaa shacab Soomaaliyeed.