FAAH-FAAHIN: Hawl-galladii ugu dambeeyey ee lagu miray ciidamada afrikaanta iyo maleeshiyaadka Soomaalida.

Tuesday October 29, 2024 - 08:16:54
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saacadihii u dambeeyey hawl-gallo kala duwan ka fuliyey gobollada dhaca badhtamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya.
Haddii aynu ku horeyno gobolka Baay, waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo lagu beegsaday saldhigga maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Qansax-dheere.

Jubbada hoose waxaa isna xalay ka dhacay dagaal culus oo lagu miray maleeshiyaadka maamulka Jubbaland ee ku sugan xerada deggaanka Baarka ee duleedka magaallada Kismaayo.

Gudaha degmada Dhoobley waxaa xalay lagu qarxiyey Kenyaati faafinayay diinta Kiristanka, waxaana ku bakhtiyey 1 qof oo ka mida Kenyaatigii gaallada ahaa, 5 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Dhanka gobolka Bakool waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo lagu beegsaday saldhigga maleeshiyaadka Koonfur Galbeed ee degmada Xudur.

Haddii aynu fiirino gobolka Shabeellaha hoose, waxaa xalay ka dhacay weerarro saf ballaadhan ah oo lagu ekeeyey xerooyin ay deggan yihiin ciidamada gumaysiga Uganda iyo maleeshiyaadka dawladda.

Ciidamada Uganda waxaa xalay lagu miray laba xero oo ay ka deggen yihiin deggaannada Qoryooley iyo Danow. Halka maleeshiyaadka dawladdana lagu beegsaday saldhigga Buundada degmada Aw-dheegle iyo saldhigga xaafadda Mukeyga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye.

Isla gudaha degmada Afgooye waxay dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen qarax ay la beegsadeen maleeshiyada dawladda. Waxaana ku dhaawacmay 2 askari oo maleeshiyada ka tirsan.

Gobolka Banaadir, gaar ahaan Tabeellaha Sh. Ibraahim ee duleedka Muqdisho waxaa isna ka dhacay 2 Qarax oo lagu beegsaday maleeshiyada dawladda. Waxaa bakhtiyey 1 askari, 4 kalena waa dhaawac.

Gobolka Hiiraan, gaar ahaan bariga magaallada Baladweyne waxaa lagu dilay askari ka tirsan sirdoonka dawladda, magaciisana lagu sheegay C/Raxmaan-dheere. Qorigii uu sitayna waa lala wareegay.

Dhanka gobolka Shabeellaha dhexe, gaar ahaan gudaha magaallada Jawhar waxaa lagu dilay sarkaal Boolis ah oo magaciisa lagu sheegay Abuukar Cusmaan Nuur, darajadiisuna tahay 1 xidigle.

Hawl-galladan xidhiidhka ah ee aan kala joogsiga lahayn ayaa si weyn loogu naafeeyey soo-duulayaasha ciidamad gumaysiga afrikaanta iyo maleeshiyaadka ku daabban ee Soomaalida.

Related Items

Update cookies preferences