Maxaad kala socotaa xaaladihii u dambeeyey ee saaka ay ku waaberiisatay magaallada Kismaayo?

Monday November 11, 2024 - 10:24:01
Liibaan Jeexoow
Kadib markii khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya DF-ka Soomaaliya iyo maamulka la baxay Jubbaland uu cirka isku sii shareeray labdii maalmood ee u dambeeyey ayaa saaka jawi ka duwan sidii hore laga dareemayaa magaallada Kismaayo.

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa qaybaha kala duwan iyo waddoyinka muhiimka ah ee magaallada Kismaayo lagu daadiyey ciidan fara badan.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo si toos ah uga amar-qaata Axmed-madoobe ay gabi ahaanba la wareegeen garoonka diyaaradaha magaallada Kismaayo.

Sida war-fidiyeennada qaarkood sheegayaan Axmed-madoobe waxa uu xalay kulan-doceedyo la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada gumaysiga ATMIS, ciidamada Jubbaland iyo ciidanka Nabad-sugidda ee garoonka Kismaayo.

Kulannadaasi ayaa lagu warramayaa in diiradda lagu saaray yaraynta iyo xaddidaadda dhaq-dhaqaaqa garoonka diyaaradaha magaallada Kismaayo iyo sidii tallaabo looga qaadi lahaa haddii madax ka tirsan DF-ka Somaliya isku daydo inay kasoo degaan garoonkaasi.

Ciidankii joogay agagaarka madaxtooyada Jubbaland ayay wararku tibaaxayaan in isbedel lagu sameeyey, aagaggoodiina ay la wareegeen ciidan kale oo si toos ah uga amar-qaata Axmed-madoobe.

Waxa kale oo jira kulan la filayo in maanta uu Axmed-madoobe la qaadan doono xildhibaannada golaha baarlamaanka Soomaaliya ku metela maamul-goboleedka Jubbaland.

Tallaabooyinkan ayaa imanaya iyadoo meeshii ugu sarraysay ay marayso xiisadda ka dhex aloosan madaxda DF-ka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Jubbaland.

Xiisaddan ayaa sii laalantay kadib markii maamul-goboleedka Jubbaland uu war-saxaafadeed shalay soo saaray uu xidhiidhka ugu jaray DF-ka Soomaaliya.


 

Related Items

Update cookies preferences