Guddida doorashada Somaliland oo KULMIYE ku eedeeyey dablay hubaysan oo lagu arkay magaallada Hargeysa.

Tuesday October 29, 2024 - 11:37:12
Liibaan Jeexoow
Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay dhalinyaro hubaysan oo sidatay calanka KULMIYE oo habeen hore rasaas ka ridday xaafado ka tirsan magaallada Hargeysa.

Waxay dhalinyaradaasi hubaysan ku eedeeyeen xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen inay siteen astaantiisa, iyagoo ku goodiyey in aan la aqbali karaynin cid kasta oo amni-darro ku keeni karta geeddi-socodka doorashada.

Guddida doorashadu waxa kale oo ay sheegeen in saaka ay la kulmeen jananka bilayska isla markaana fareen in dhalinyaradaasi hubaysan ee lagu faafiyey baraha bulshada baadhis dhamaystiran lagu sameeyo sharcigana lala tiigsado.

Fulinta awaamiirtan ayay guddidu sheegtay inay ka sugayaan laamaha amniga, iyagoo dhanka kalena digniin iyo cambaarayn u diray cid walba oo astaan urur qaran sidata oo hubaysan.

Warkan ay guddidu soo saartay ayaa imanaya kadib markii uu hal qof ku dhintay rasaas ay rideen rag hubaysan oo sita calanka KULMIYE oo habeen hore fawdo ka bilaabay xaafado ka tirsan magaallada Hargeysa.

Xisbiga WADDANI ayaa ku eedeeyey xisbiga KULMIYE abaabulka dhalinyaradaasi, waxaana haatan meel xasaasiya maraaya ol’olaha doorashada oo maanta galay wajigiisii labaad. Iyadoo aad looga dayrinayo xaaladdan isu bedeshay gacan-ka-hadalka.

 



 

Related Items

Update cookies preferences