Xarakada Xamaas ee ka dagaallanta Marinka Qaza iyo Falastiin ayaa shaley si rasmi ah u xaqiijiyey in uu shahiidey hoggaamiyihii ururkaas Yaxye Sinwaar.
Khaliil Xaya oo kamid ah hoggaanka sare ee ururka ayaa ku dhawaaqey in uu shahiidey Sinwaar isaga oo uga tacsiyeeyay guud ahaan umadda Islaamka gaar ahaanna shacabka Falastiin isla markaana sheegay geesinnimada iyo hal-adeygnimadii uu muujiyey xilliyadii saaxada macrikada. Waxa kale oo uu tibaaxey in dhimashada Sinwaar aanay dhimi doonin awoodda ururka.
"Hoggaamiye Sinwaar iyo dhammaan hoggaamadii ka horreeyay ee la iqtiyaaley uma ay kordhin xarakada wax aan ka ahayn awood iyo ad-adeyg” Khaliil Alxaya.
Xilli ay hoggaamiyeyaasha Reergalbeedku ku faraxsanaayeen dhimashada Sinwaar waxa dhanka kale socday tacsi ay waddamada Islaamku u dirayaan Xamaas isla markaana ay ugu hambalyeynayaan darajada shahiidnimo ee uu gaaray Sinwaar.
"Sinwaar waxa uu shahiidey xilli uu ku sugnaa maydaanka dagaalka isaga oo muujiyey geesinnimo iyo sharaf” Hoggaamiyaha muqaawimada Yemen.
"Waxaan direynaa tacsi ka dib warkii shahiidnimo ee hoggaamiyihii weynaa ee geesiga ahaa Sinwaar dhawaanna waxaan rejaynaynaa in booskiisii uu buuxiyo qof leh hammigiisii oo kale” Axmed Alkhaliili, muftiga Cummaan.
"Waxaan aad uga murugeysannahay geerida shahiid Sinwaar, geeridiisuna waxa ay Xamaas u siyaadin doontaa awood ka dhan ah cadowga” Afhayeenka Imaarada Afgaanistaan Dabiixullaah Almujaahid.
"Hoggaamiyihii shahiidey ee Xamaas waxa uu ka horyimi mashruuca Mareykan iyo gumeysiga Yuhuudda. Dhiiggiisana wuxuu ku bixiyey jidka Allaah” Xisbullah.
"Shahiid Sinwaar waxa uu sii wadey halgankiisa ilaa daqiiqaddii ugu dambeysay ee noloshiisa ismana uu dhiibin” Madaxweynaha Iiraan.