Ushii Sinwaar waxay liqday been abuurkii iyo sixirkii Sahaayinada (Warbixin)

Tuesday October 22, 2024 - 07:20:08
Liibaan Jeexoow
Waa muuqaal malxami ah oo taariikhdu xusi doonto, soo muuqashadii naadirka aheyd ee halyeyga Yaxya Sinwaar, oo ahaa hoggaamiyaha dagaalkii weynaa ee Duufaanta Al-Aqsaa uu soo muuqday isaga oo dhaawac culus ka soo gaaray gacanta midig, wejigiisuna uu daboolanyahay iyadoo indhihiisa oo kaliya muuqdaan una eg indhaha shabeel udiyaarsan inuu ku boodo ugaartkiisa waxay na xasuusinaysaa halyeygii Qacqaac bin Camar oo uu Abuu Bakar Ass-Siddiiq RC ka yiri: "Ciidan uu ku jiro Qacqaac ma jebayo, dhawaaqiisa goobta dagaalkana wuxuu ka kheyr badanyahay kun nin".
Asaxaabigii Qacqaac oo keligiis ahaa ayuu amiirkii muslimiinta Abuukar gurmad ahaan ugu diray Khaalid bin Waliid si ay uwajahaan ciidankii Furus ee xoogga badnaa.

In kasta oo uu usoo gaaray dhaawac daran jirkiisuna sii daciifayay haddana Yaxye Sinwaar isma dhiibin isagoo rabbi u hoggaansamaya kuna taagan wadada toosan ayuu gacantiisa bidix ku qaaday Ul si uu ugula dagaallamo diyaarad Drone aan duuliye lahayn ah oo si dhuumasho ah ugu gashay goobtii uu dhaawaciisa kula tacaalayay.

Ushaas uu dagaalyahanka dhaawacan ku gemay diyaaradda waxay mid mid ulliqday ama ubaabi'isay dhammaan been-abuurkii iyo buhtaankii Sahyuuniyadda&sheekooyinkoodii marin-habaabinta ahaa iyadoona beenisay dacaayadoodii aheyd in hoggaamiyahan geesiga ah uu ku dhuumanayay dad rayidka ah dhaxdooda ama uu u isticmaalayay maxaabiistii yahuudda lagasoo qabtay gaashaan uu uga gambado xabadda ciidanka Yahuudda si uu isugu difaaco, ceebna maba ahan in qaa'idku tago meel nabadoon si uu halkaas dagaalka uga hago balse Sinwaar sidaas ma sameynin ee wuxuu joogay mid kamida meelaha ugu halista badan dunida, isagoo dagaal kula jiray mid kamida ciidamada ugu qalabka iyo sirdoonka wanaagsan caalamka ,khatarahaas uu ubareeray wuxuu uqaatay si uu udhiirigeliyo dagaalyahannadiisa dagaalka hayaynimo kula jira Sahaayinada oo ah cadowga ugu daran ee muslimiintu leeyihiin.

Ushii hoggaamiye Yaxye waxay si maldahan u weerartay Sahaayinada Carabta oo wejigoodu madoobaaday kuwaas oo been iyo nacasnimo ka muujiya diintooda iyo iimaankooda waxayna mutaysteen Lacnadda Alle, malaa'igta iyo dadka oo dhan, Waxay si cad u muujiyeen in ay shaydaanka daacad uyihiin ayna u qalmaan in lageliyo meelaha ugu hooseeya ee cadaabta waana calooshood ushaqeystayaal kuwa ugu xun ee dunidan kunool.

dagaalka maanta socda ee kasoo billaawday howlgalkii duufaanta Al-aqsaa lagama noqon karo dhax dhaxaad ee waa dagaal udhaxeeya Iimaanka iyo Kufriga.

Ushaas uu diyaaradda Drone-ta ku tuuray Yaxye Sinwaar isagoo dhaawac ladhiigaya kaligiisna ah waxay farriin guud utahay Muslimiinta niyadda wanaagsan leh balse aan garanayn sida loo wajaho kaafirka xarbiga ah iyo daaqiga mujrimka madaxa adag, waaba farriinta oo leh "usha sii dhacaysa waxaa laga yaabaa in in ay kiciso damiirka sii dhimanaya ee ruuxda muslimiinta, saalixiinta ayay gelinaysaa khaanadda muslixiinta halka mutakhaadiliinta ay gelinayso khaanadda munaasiriinta.

Markii uu sidaa ahaa isagoo ul wata kuna wajahaya diyaarad ee aan is dhiibin iska caabinna ku jira daqiiqadihii ugu dambeeyay ee noloshiisa, waxaa muslimiinta agtooda yaqiin unoqonaya macnaha ku saabsan in ay dhammaan juhdigooda iyo awooddooda bixiyaan taas oo fasiraad cad oo muuqata u aheyd hadalka Alle (لا يكلف الله نفسا إلا وسعها)، iyo (وأعدوا لهم ما استطعتم من قوة) iyo (وجاهدوا في الله حق جهاده)،
sidaas darteedna ma jiro wax cudur-daara oo u haray qofka muslimka ah ee ka fadhiya halganka socda, cudurdaar walba oo uu layimaad waxaa meesha ka saaraya gummaadka Qaza iyo naf hurnimada halyeeya falasdiin.

Ha gablammaano indhaha Fulayada

ولا نامت أعين الجبناء
W/Q Dr.Ibraahim Mahna

Related Items

Update cookies preferences