Ururka Xamaas ayaa sii wada ka hortagga dagaalka nafsi ee Yahuudda kaasi oo lagu beegsanayo in la wiiqo oo la daciifiyo, iyagoo qaaday weerarro ka hortag ah kii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa xaqiijinta in hoggaamiye Maxamed al-Dayf uu weli nool yahay.
Usaama Xamdaan oo kamid ah mas'uuliyiinta Xarakada Xamaas ayaa shaaciyay in hoggaamiye Aldeyf uu nabad qabo islamarkaana uu hoggaaminayo dagaalka ka dhanka ah Yahuudda.
isaga oo wareysi siinayay shabakadda "Al-Jazeera” ee Qadar kutaal ayuu yiri: "Israa’iiliyiintu arrintan way ka hadleen laakiin annaga ma qarinno wararka dadka naga shahiida oo waan ku faanaa shuhadadeena.".
Xamaas waxay sheegtay in Yahuuddu ay qaadday duullaan nafsaani ah oo ay ku doonayso in ay ku waxyeellayso quluubta muslimiinta kadib markii ay ku jabeen dagaalka dhulka.
"Haddii Israa’iil ay dooneyso in ay naga fuliso dagaal nafsi ah, annaga waxaan ku leenahay Maxamed al-Dayf waa fiican yahay, waana hoggaamiye sii wata shaqadiisa"ayuu hadalkiisa sii raaciyay Usmaana Xamdaan.
Mas'uuliyiin katirsan maamulka Yahuudda iyo qaar kamid ah warbaahinta dowladaha Carabta ayaa 50 maalmood udaal degtay dilka hoggaamiye Aldeyf balse warkaas ayaa ahaa mid been abuur ah.