Wasaaradda Dibedda dalka Qadar ayaa beenisay warar 24 saac ee ugu dambeeyay saxaafadda caalamku qaadaa dhigaysay kuwaas oo sheegayay in Dowladda Qadar ay cayrisay diblomaasiyiintii ururka Xamaas u fadhiyey dalkaasi isla markaana ay albaabada isugu laabayso xafiiskoodii.
Wararka ayaa intaa ku darayey in sababta keentay in Qadar erido mas’uuliyiinta Xamaas ee ku sugnaa Dooxa ay tahay cadaadis kaga yimid dhanka Mareykanka.
Warbaahinta Al Jazeera oo laga leeyahay Qadar ayaa daabacdey xogta sheegaysay in Xamaas iyo Qadar is maca salaameeyeen iyada oo xiganaysa Wakaaladda Wararka ee Rueters.
Haddaba warsaxaafadeed qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Dibedda Qadar ayaa lagu sheegay in aaney waxba ka jirin in Qadar ka laabatey doorkii dhexdhexaadinta ahaa ee labada dhinac isla markaana ay wali u taagan tahay in ay caawiso shacabka reer Falastiin.
Af hayeenka Dibedda Qadar Dr Maajid Maxamed Al Ansaari waxa uu carrabka ku adkeeyay in aaney dhab ahayn wararka sheegaya in Qadar ka laabatey doorkeedii dhexdhexaadinta, waxa kale oo uu xusay in aaney rasmi ahayn wararka sheegaya in la xirayo xafiiska Xamaas ee Dowxa.
Si kastaba ha ahaatee Qadar ayaa u muuqata mid uu ka tan batey culayskii Reergalbeedka iyo Mareykan kuwaas oo si hagar la’aan ah u taageeraya Yuhuudda halka dalalkii muslimiinta ahaa ay hurdo dheer isaga jiraan.