Kenya ayaa xaqiijisay qofkii ugu horreeyay ee u dhinta cudurka furuqa daanyeerka oo luuqadda qalaad loo soo gaabsho Mpox.
Waxay sidoo kale shaacisay in 13 xaaladood oo cudurkaasi la ildaran laga helay 11 degmo oo ay ku jiraan magaalooyinka waaweyn ee Nairobi, Mombassa iyo Nakuru.
Saraakiisha caafimaadka Kenya ayaa baadi-goobaya 68 qof oo lala xiriiriyay xanuunkan, kuwaas oo saddex ka mid ah laga helay.