Puntland oo fasaxdey markabkii hubka siday ee Sea World.

Monday August 04, 2025 - 15:00:32
Liibaan Jeexoow
Wararka laga helayo dhanka maamulka isku magacaabey Puntland ayaa sheegaya in markabkii saddex usbuuc kahor Puntland ka qabatey xeebaha Waqooyi-Bari ay fasaxeen.
Tan ayaa timi kaddib markii saraakiil ka tirsan Turkigu ay ka dageen Puntland. Siciid Deni ayaa wadaxaajood kaddib fasaxay markabka oo sidey saanad ciidan.

Xukuumadda Federaalka ee Muqdisho waxa ay hore ugu gooddiday Puntland isla markaana waxa ay ka dalbatey in la sii daayo markabka.

Maanta oo bishu tahay 4 Ogoosto, 2025 ayaa ugu dambeyn la fasaxay markabkii muranka badan dhaliyey.

Markabka Sea World ayaa ka soo gudbay Badda Cas iyo xeebaha Gacanka Cadmeed laakiin waxa uu cilladoobey markii uu soo gaarey xeebaha Waqooyi-Bari sida wararku sheegayaan.

Soomaaliya ayaa laga qaadey cunaqabateyntii hubka ee muddo dheer saarnayd taas oo falanqeeyayaasha qaar u arkaan go’aan aan munaasib ahayn.

Related Items

Update cookies preferences