Somaliland: Immaaraadka oo 9000 oo qoys siiyey raashin gargaar ah.

Sunday August 03, 2025 - 13:55:33
Liibaan Jeexoow
Dowladda Isutagga Immaaraadka Carabta ayaa deeq raashin ah guddoonsiisey maamulka Somaliland. Deeqdan ayaa loogu talogaley dadka abaaruhu saameeyeen ee gobolka Awdal.
Madaxweyne Xigeenka maamulka Somaliland ayaa wakiilka Immaaraadka ee Hargeysa ka guddoomay raashinka gargaarka ah ee loogu talogakey dad gaaraya 9,000 oo qoys sida ay baahisey warbaahinta maxalliga ah ee Somaliland.

Dhanka kale Bangiga Somaliland ayaa isna lacag dhan 120milyan oo u dhiganta $12,000 ku wareejiyey Guddiga Abaaraha Somaliland.

Abaaraha ka jira deegaanno kamida gobolka Awdal ayaa gaarey marxalad daran taas oo sababtey in xoolo badani oon u le’daan.

Abaaraha ugu daran ayaa ka jira dregaannada ku teedsan dhulka xeebaha ah.

Dhulka Soomaalida ayaa wajaha dhowrkii sanoba mar abaar daran oo sahayata xoolo tiro badan iyo dadba.

Related Items

Update cookies preferences