Dagaallo culus oo mar kale dhegta dhiigga loogu daray calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta ayaa shalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 13 askari oo Yugaandhiis ah iyo dhaawaca 18 askari oo kale oo iyaguna Yugaandhiis ah.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in sidoo kale dagaalkan lagu dilay ugu yaraan 3 askari oo ka tirasn maleeshiyaadka Gurguurte ee daba-dhilifka u ah shisheeyaha.
Weerarkan ayaa imanaya maalin kadib markii si ba’an loogu naafeeyey ciidamada Ugandha weerar jimcihii ka dhacay isla duleedka Afgooyee, kaas oo dhimashada iyo dhaawaca Ugaandhiisku ay noqotay ku dhawaad 40 askari. Iyo 5 gawaarida gaashaaman ah oo gebi ahaanba basbeelay.
Gobolka Banaadir waxaa isna habeennimadii xalay ka dhacay qarax lala beegsaday bar koontarool oo maleeshiyaadka Gurguurte ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Sidoo kale xoogagga Al-Shabaab ee ka hawl-gala isla gobolkan waxay qarax ku bartilmaameedsadeen fariisin maleeshiyaadkani ay kaga sugnaayeen degmada Yaaqshiid.
Geesta kale iyo gobolka Bakoo, waxaa isna habeennimadii xalay ka dhacay dagaal lagu miray saldhigga maleeshiyaadka Laftagareen ee degmada Waajid.