Hubkii ugu badnaa oo gacanta u galay maamulka Puntland + SAWIRRO

Saturday July 19, 2025 - 11:16:17
Liibaan Jeexoow
Maamulka isku magacaabey Puntland ayaa qabtey markab sida hub tiro badan oo ay ka mid yihiin gawaarida gaashaaman ee dagaalka ayaa lagu qabtey xeebta Bareeda ee Gardafuu.
Gaadiidkan dagaal ayaa waxa ku xardhan calanka dalka Turkiga.

Dowladda Federaalka ayaa sannadkii ina dhaafey heshiis lagu sheegay "difaac” la gashey Turkiga, heshiiskaas oo ahaa in Turkigu Villa Somaliya ka taageerayo la dagaallanka waxay ugu yeeraan bur-badeedda iyo "argagixisada” taa beddelkeedana uu ku qaadanayo 90% khayraadka Soomaaliya.

Markabkan hubka ah oo loo wadey xagga Muqdisho ayaan weli maamulka Puntland wax war ah ka soo saarin. Tan ayaa imanaysa xilli maamulka Puntland iyo Federaalka xiriirkoodu aad u xun yahay.

Maamulka Puntland ayaa hore ugu eedeeyay Federaalka in ay xasilloonidarro ka abuurayaan qaybo kamida Puntland.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa doonaysa in ay maamul madaxbannaan ka samayso Gobollada Sool iyo Sanaag halka taas Puntland ka soo horjeesatey.

Lama oga hubkan sida ay Puntland ka yeeli doonto balse waxa la sheegayaa in aad loo kordhiyey sugidda amniga markabka iyo saanadda dagaal.


Related Items

Update cookies preferences