Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saaka hawl-gal qarax ah ku weeraray ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Ilo-wareedyo aanu helnay waxay xaqiijiyeen in qaraxaasi uu geystay khasaare kala duwan oo soo gaaray ciidanka Xabashida.
Sidoo kale xoogagga Al-Shabaab waxay dagaal culus ku qaadeen saldhiga maleeshiyaadka daba-dhilifka ah ee ku sugan degmada Ceelwaaaq ee isla gobolka Gedo.
Jihaadiyiinta ka hawl-gala gobolka Jubbada hoose ayaa habennimadii xalay dagaal culus ku miray saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Husingow.
Dhinaca gobolka Banaadir, waxaa shalay ka dhacay 3 qarax oo jihaadiyiintu ay ku bartilmaameedsadeen maleeshiyaad ku sugnaa deggaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in qaraxaasi uu galaaftay nolosha ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte, halka 6 askari oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Hawl-galladan ayaa kusoo aadaya xilli ay xaaladdu ku xuntahay maleeshiyaadka iyo kuwa ay daba-dhilifka u yihiin ee calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta.