Marka hal albaab uu xirmo mid kale ayaa furma, taasina waa falsafadda uu Ruushku u adeegsaday siyaasadda dibadda kadib markii uu lumiyay saameyntii uu ku lahaa Suuriya.
Awoodii Militeri ee Moscow ayaana markan si aan horay loo arag ugu fideysa qaarada Afrika saameyntii bariga dhexana waxaa badalay dhul cusub oo istiraatiiji ah sida Liibiya, gobolka Saaxilka, iyo xuduudaha Sudan iyo Chad.
Warbixintan waxay dul istaageysaa sida uu Ruushku si xeeladaysan uu ugu beddelay safkiisa istiraatiijiyadeed, isagoo adeegsanaya saldhigyo cusub, xulafo cusub, iyo qorsheyaal cusub oo ujeedkoodu yahay inuu Afrika ka dhiso saameyn la mid ah tii uu ka lahaa Bariga Dhexe.
Waa isbeddel aan sahlaneyn oo horseedi kara saameyn siyaasadeed oo cusub, faragelin ballaaran iyo su’aalo mug leh oo la xiriira maxaa xaalufin kale ayey Moscow ka dooneysaa Afrika mise halis amni ayey tani dhalin doontaa?
Liibiya, dal dhaca woqooyiga Afrika, waa halka ugu xoogan ee ay maanta ka socoto saameynta balaaran ee Ruushka kadib burburkii ku yimid nidaamkii bashaar Al-Asad, waana halka ay diirada saareyso warbixintan oo uu baahiyey wargeyska African defense forum ee hoos taga taliska Mareykanka ee Africom.
Ka Wareegista Ruushka ee Suuriya iyo Caga-dhigashada Liibiya.
Markii ay meesha ka baxday dowladdii uu hoggaaminayey Bashar al-Assad, Kremlin-ka ayaa si dhaqso ah u wareejiyey agab ciidan oo fara badan oo yaallay Suuriya, qayb weyn oo ka mid ah agabkaasi waxaa lagu daad gureeyay bariga Libya, gaar ahaan saldhigga Al-Khaadim oo ku yaalla goob 100km aaga bari ka xigta magaalada Banghaazi.
Saldhiggan ayaa noqday xarun istiraatiiji ah oo uu Ruushku u adeegsado howlgalada militari, hub-wareejinta iyo kormeerka dhaqdhaqaaqyada gobolka Saaxilka Afrika ka socota waayihii dambe oo idil.
Andrew McGregor waa xubin ka tirsan hay’adda Jamestown Foundation oo sameysa arimo ay kamid yihiin amniga iyo daba-galada waxay ugu yeeraan argigixisada, mar uu ka hadlayey soo caga dhigashada Ruushka ee Liibiya iyo la wareegidiisa saldhigga Al-Khaadim ayuu sheegay in halkan ay tahay isla meesha uu Mucamar Al-Qaddafi ka bilaabay duullaankii uu ku qaaday dalka Chad 80meeyadii, maanta Ruushku uu badalay booskaas maadaama ayuu yiri uu adeegsanayo isla xeeladii Qadaafi si uu u ilaaliyo masaalixsiisa gobolka saaxilka.
Isku xirka Saaxil iyo Liibiya iyo ahmiyada Istaraatiijiyadeed ee uu Ruushka ugu fadhiyo dhulkan.
Mar warbixintu ay ka hadleyso qodobkan ayey soo warineysaa arin la diiwaangaliyey muddo aanan fogeyn kaasoo ah, in diyaarad nooca Antonov-124 oo ka kicitantay Suuriya bishii May ee sanadkan 2025, soona gaartay gudaha dalka Liibiya gaar ahaan saldhiga Al-Khaadim ay isla markii awood u yeelatay iney uga sii gudubto magaalooyinka Bamako iyo Ouagadougou oo ku kala yaala dalalka Mali iyo Bukrina Faso.
Tani ayaana banaanka keentay ahmiyada Istaraatiijiyadeed ee Liibiya iyo waxa ay xukuumada Moscow u daneyneyso iney tabar ahaan halkan ugu xidideysato, tani ayaana sahli karta sida muuqata in Ruushku uu kooxdiisa Fagner gaarsiiyo saanad waliba, si sahlan sidoo kalana uu fushado danihiisa gaarka ah.
Cilaaqaadka Vladamir Putin iyo General Khalifa Haftar ma mid liitaa mise waa mid xoogan.
Kani waa ciwaan kale oo ay warbixinta wargeyska African defense forum hoos ka xariiqeyso, waxaana lagu waramayaa in Ruushka wuxuu xoojiyay xiriirka uu la leeyahay General Khalifa Haftar oo hoggaamiya ciidamada maamula bariga Libya, wuxuu si joogto ah u taageeraa Haftar, isagoo u arka waddo istiraatiiji ah oo lagu sugo danaha Kremlin-ka ee gobolka.
Lou Osborn oo ka tirsan kooxda baaritaanka "All Eyes On Wagner” ayaa sheegay in Ruushku uu fulinayo howlgal waaweyn oo ay halistooda ku gedaamantahay, iyadoo diyaaradaha dagaalka iyo kuwa xamuulka militari ee Moscow ay si joogto ah ugu kala gooshayaan gudaha Liibya.
Xukuumada ka dhisan caasimada Dharaabulis ee haysata aqoonsiga galbeedka ayaa dhaleeceen mooyee sheeda sare ka daawaneysa wax waliba oo ay sida wada jir ah u sameynayaan Ruushka iyo General Khalifa Haftar.
Warbixinta joornaalka oo sii socota ayaa markan u jiheysaneysa dhanka xuduuda dalalka Chad iyo Suudaan, waxaana halkan ku yaala Mataanu Surah oo ah mid kamid ah saldhigyada istaraatiijiyadeed oo uu fara maroojistay Ruushka mudooyinkii dambe.
Dabayaaqada sandkii 2024 ayey Moscow ciidamo fara badan geysay halkan, iyadoona dayactir balaaran ku sameysay saldhigan, Anas El Gomati oo ah madaxa mac-hadka Sadeq Institute ayaana mar uu ka hadlayey talaabadan waxa uu yiri "Saldhiggan waa istiraatiijiyad cusub oo uu Ruushku ku kala rogayey xisaabtiisa Afrika, ma ahan badiilka Suuriya oo keliya, balse waa bilowga shabakad cusub oo ka bilaabatay badda Mediterranean-ka la doonayo iney kusii fido Afrika inteeda kale".
Gunaanudkii warbixintu waxay leedahay sida muuqata Ruushku ma lahan kaliya dano ciidan iyo saameyn militari, balse waa mid doonaya in sanadaha soo aadan uu si dhameystiran badiil ugu noqodo galbeedka, dalalka militarigu hogaamiyaan sida Niger, Mali iyo Bukrina Faso ayuuna hadda si qoto dheer ugu xidideysanayaa, isagoo dib u hawlgaliyey saldhigyo hore oo la illaabay iyo xarumaha istaraatiijiga ah, hiiryadii reer yurub-na waxaa badashay tan Ruushka.
Liibiya dhankeedana iyo galaangalka xukuumada Moscow ayaana dhalisay su'aasha ah, ma guul cusub oo istiraatiiji ah ayuu Ruushka halkan ka gaari doonaa, mise waxay ku noqon doontaa xalad kale oo lamid ah tii uu kala kulmay gudaha Suuriya?