Turkiga oo diidday inuu ka hadlo arrinta markabka ee Puntland ay qabatay. [WARBIXIN]

Thursday July 24, 2025 - 17:00:54
Liibaan Jeexoow
Markabkii hubka siday ee gacanta uu ku dhigay maamulka Puntland ayaa lagu soo warramayaa in xaaladdiisu ay weli cakiran tahay, isla markaana uu sababay in ay cirka isku sii shareerto xiisaddii ka dhex aloosnayd labada hor-jooge ee Puntland iyo Villa Somaliya.
War-saxaafadeed uu soo saaray maamulka Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay bayaankii ay soo saartay kooxda Gurguurte ee lagu eedeeyey Puntland inay tahay burcad-badeed afduubatay markabka MV Sea World oo ay ku raran tahay shixnad huba ah.

Puntland waxay bayaankeedan ku caddaysay in shixnadda Markabka saarani ay dhammaanteed tahay agab ciidan oo aanay ku jirin wax u muuqda alaab ganacsi, sida ay sheegteen ayay tiri ganacsato reer Xamar ah oo lasoo xiriirtay.

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo isna kooxda Gurguurte ku eedeeyey in ay yihiin maafiyo is urursatay iyo burcad-badeed, kuwaas oo gar-wadeen uu u yahay ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Markabkan oo sitay calanka Comoros, laguna magacaabo Sea World ayaa ka soo shiraacday magaalada Izmir ee dalka Turkiga, isagoo kusii jeeday magaalada Muqdisho. Waxaana ugu dambayn shixnadda hubka ah qiratay kooxda Gurguurte, iyagoo sheegay in qalabka milatari loo waday Xarunta Tababarka Milatariga ee Turksom.

Wargeyska The East African oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer dalalka bariga Afrika ayaa sheegay safaaradda Turkiga ee Somaliya ay diidday inay ka jawaabto codsi ay u direen oo ku saabsan arrinta markabkan hubka sida ee ay gacanta ku dhigtay Puntland.

The East African waxa uu hoosta ka xariiqay arrintani aanay kicinayn oo kaliya walaac ku saabsan hubka balse sidoo kale ay dhalinayso su'aalo ku saabsan awoodda dhabta ah ee kooxda Villa Somaliya ay ku leedahay xiriirka ay la leedahay maamul-goboleedyada.

Falanqeeyayaal uu wargeysku soo xigtay ayaa ku doodaya in sirta ku xeeran shixnaddan hubka ah ay ku adkeysay kooxda Villa Somaliya inay difaacdo kiiskeeda, kadib markii saraakiisha Gurguurte ay xaaladda miisaamayeen muddo shan maalmood ah.

"Tani waxay dhalinaysaa su'aal sharci iyo dastuur ah oo muhiim ah: Ma la raacay habraacyadii saxda ahaa ee hubka loogu soo dhoofinayay Soomaaliya? Wax walba waxay tilmaamayaan inaan la raacin," Sidaas waxaa wargeyska The East African u sheegay Cabdi Saciid Muuse Cali, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo hadda ah guddoomiyaha Madasha Amniga ee Lome.

Hab-raacyada hubka loogu soo dhoofiyo Soomaaliya, ayuu Cabdi Saciid ku doodday, inay u baahan yihiin Shahaadada isticmaalaha ugu dambeeya (EUC) oo ay saxiixeen hey'adaha ay khusayso ee Soomaaliya, taasoo sheegaysa asalka, tirada, iyo cidda isticmaalaysa.

Cunaqabataynta markii 2023 laga qaaday Somaliya ayuu wargeysku sheegay in Qaramada Midoobay ay kooxda Gurguurte ka dalbadeen in markasta oo ay damcaan inay hub soo iibsadaan ay ogaysiiyaan guddida cunaqabataynta hubka ee golaha ammaanka 15 maalmood ka hor inta aysan shixnad milatari oo culus soo gelin Soomaaliya.

"Haddii aanu midna raacin tallaabooyinkan, markaa dowladda Turkiga iyo kuwa fududeynaya shixnaddan ee gudaha Soomaaliya labaduba waxay jabiyeen sharciga," ayuu mar kale Cabdi Saciid u sheegay wargeyska The East African.

Wargeysku waxa kale oo uu sheega in Somaliland, dhankeeda ay iyaduna dib u cusbooneysiisay dhaleeceynteeda ku aaddan go'aankii Qaramada Midoobay ee 2023-kii ee ahaa in qayb ahaan laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Tallaabadii Qaramada Midoobay ay qaadday 2023-kii ee Soomaaliya ay kaga qaadday cunaqabataynta hubka ayuu wargeyska The East African ku tilmaamay mid khalkhal gelisay gobolka, kicisayna xiisad hor leh isla markaana abuurtay xasillooni-darro.

Related Items

Update cookies preferences