Institute for the Study of War (ISW) oo ah hey'ad cilmi-baaris oo fadhigeedu yahay Washington D.C, falanqaysana dagaallada iyo arrimaha amniga ee caalamka, ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku shaacisay in Maraykanka iyo ciidamada calooshood-u-shaqaystayaashuba ay ku fashilmeen dagaalkii ay kula jireen jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Hey’addan oo guddida maamulkeeda ay ka mid yihiin saraakiil millateri oo horey uga soo shaqeeyey Maraykanka, ayaa xaqiijisay in xoogagga Al-Shabaab ay ku gacan-sarreeyaan dagaallada ka socda Soomaaliya, iskuna fidiyeen dhul aad u ballaaran.
"Al-Shabaab waxay qabsatay magaalada Maxaas, oo ah xarun degmo oo ku taal bartamaha Soomaaliya oo ay gacanta ku hayeen dowladda Soomaaliya iyo xulafadeedu tan iyo 2014….” Ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay hey’adda Institute for the Study of War.
Dagaalyahannada Al-Shabaab waxay dhulka la simeen ayaa lagu yiri warbixinta, guullihii waaweynaa ee Maraykanku taageerayay ee ka hor-tagga waxa loogu yeero argagixisada ee 2022. Waxaanay cagta mariyeen maleeshiyaadka kala duwan ee kooxda Villa Somaliya.
Istaraatiijiyadda degmada Maxaas ayay warbixintu ka dhawaajisay, waxaanay sheegtay in ay tahay magaalo istaraatiijiya oo ku taalla isgoys isku xira deggaanno muhiim ah oo ay maamulaan jihaadiyiintu iyo magaalooyin waaweyn iyo sidoo kale deggaannada dhaca soohdin-beenaadka Itoobiya.
Guullaha waaweyn ee jihaadiyiintu ay gaareen sannadkan ayay warbixintu soo hadal-qaadday, waxaanay tiri iyadoo arrintan ka hadlaysa "Al-Shabaab waxay dib u qabsatay dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya sanadkan 2025, taas oo qayb ka ah weerar ay ku burburisay guulihii dowladda Soomaaliya ee Mareykanka uu taageeray ee 2022”.
Hey’adda ISW waxay tilmaantay in la-wareegista Maxaas iyo Moqokori ay fureen laba waddo oo isgaarsiin dheeraad ah oo u dhexeeya deggaanno muhiim ah oo ay maamulaan jihaadiyiinta Al-Shabaab ee bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya.
Awoodda sii bullaalaysa ee jihaadiyiinta bariga qaaradda Afrika ayay warbixintu xustay in ay saamayn taban ku leedahay dowladda Xabashida Itoobiya, xilli gudaheeda ay ka holcayaan dagaallo culus, isla markaana daruur colaadeed ay kasoo haraysay dhinaca Eretariya.
Warbixintu waxay hoosta ka xariiqday in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ka faa’iidaysan karaan xiisadaha u dhexeeya Eritariya iyo Itoobiya, iyo sidoo kale kooxaha iska soo horjeeda ee gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, oo aad usii kordhay sanadkan lagu jiro ee 2025.