Dagaallayahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in goor dhawayd ay weerar culus ku qaadeen ciidamada Afrikaanta ee isbahaysiga AUSSOM.
Labo hawl-gal oo naf-hur ah ayay xogtu sheegaysaa in goor dhawayd lala beegsaday ciidamo Afrikaan ah oo ku sugnaa duleedka deggaanka Bariire ee gobolka Shabeellada hoose.
Hawl-galladan ayay wararku tibaaxayaan in ay geysteen khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Uganda.
Sidoo kale hawl-galladan naf-hurka ah waxay burburiyeen dhowr ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ay wateen calooshood-u-shaqaystayaasha AUSSOM.
Wixii faahfaahin ah dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha'Allaah...