Somaliland oo war ka soo saartey maamulka cusub ee Federaalku ka sameeyay Sool iyo Sanaag.

Saturday August 02, 2025 - 14:58:46
Liibaan Jeexoow
Maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa maanta war ka soo saarey maamulka cusub ee Waqooyi-Bari ee Federaalku ka sameeyay gobolka Sool.
Somaliland waxay sheegtay in Dowladda Soomaaliya dagaal ku soo qaaddey Somaliland isla markaana colaad qabiil ka hurinayso Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta akhriyay Warmurtiyeedka Shirkii golaha wasiirada ayaa ka dhawaajiyey in Somalia faragelin ku hayso Somaliland.

"Sool, Sanaag iyo Togdheer waxay qayb ka yihiin aan qaybsamin Somaliland, waxaan uga digayna Soomaliya Faragalinta ay ku wado xuduuda Somaliland.” Wasiirka Warfaafinta SL

Maamulkan ayaa Federaalku ugu talogaleen in uu ka shaqeeyo Sool, Sanaag. Balse gobolka Sanaag waxa degmooyinkiisa ka taliya labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.

Warkan ayaa imanaya kaddib markii Madaxtooyada SL sheegtay in aanay wax wada hadal ah lagaleyn Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences