Puntland oo shaacisey inay la wareegtay hubka iyo gaadiidka saaran markabkii ay qabteen.

Thursday July 24, 2025 - 08:58:48
Liibaan Jeexoow
Kadib war saxaafadeed shaley kasoo baxay kooxda Xasan Gurguurte taasoo oo ay ku qiratay inuu u rarnaa Markabkii dhawaan ay qabatay Puntland kaasoo hadda ku xiran Dekadda magaalada Boosaaso.
Wasiir dowlaha Madaxtooyadda Puntland Cabdifitaax Cabdinuur ayaa markii uu soo baxay warka kasoo yeerray kooxda Villa Soomaaliya bartiisa Facebooka kusoo qoray hadal uu uga felcelinayo Bayaanka kooxda Gurguurte.

"Hadda ayuu xalaal noo noqday" ayuu yiri C/Fataax isagoo ula jeeday inay Puntland ay qaadanayso dhammaan waxa saaray Markabkaasi oo ay xalaal u tahay kadib markii ay sheegatay kooxda Xasan Gurguurte.

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay inuu Markabkaan uu waday hub iyo gaadiid sharci darro ah, isla markaana marnaba aysan siidayn doonin.

Bayaankii kasoo baxay kooxda Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kooxda Gurguurte ay lahayd hubka iyo gaadiidka saaran Markabkaasi, isla markaana iyaga uu u rarnaa loona waday magaalada Muqdisho.

Bayaanka kooxda kooxdan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Markabka uu sidoo kale siday shixnado ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

Kooxda Gurguurte ayaa ugu baaqday maamulka Siciid Deni inay si degdeg ah oo shuruud la'aan ah kusii daayaan Markabka, iyagoona ugu hanjabay in haddii ay diidaan ay tallaabo military ka qaadi doonaan.

Related Items

Update cookies preferences