Wararka ka imanaya Itoobiya ayaa sheegaya in Jeneraalka ugu sarreeya Ciidanka Itoobiya uu booqasho ku tagey xarunta cusub ee loo diyaariyey Ciidanka Badda Itoobiya.
Jula ayaa ka dhawaajiyey in Ciidanka Itoobiya ee tababarka ku jiraa ay ka nasiib badan yihiin jiilkii ka horreeyay.
"Waxaan ku dadaalaynaa sidii aan jiilkeenna soo socda ugu wareejin lahayn difaaca xeebaha una noqon lahaayeen jiil Ka casrisan kana wanaagsan jiilkii hore” Jula
Itoobiya ayaa aad u hadalhaysa sidii ay u heli lahayd qaybo kamida Badda Cas ama Gacanka Cadmeed, xeebahaas oo noqon kara Musawac ama Seylac.
Geesta kale Itoobiya iyo Ereteriya ayaa xaalkooda xasaradeed kor u kacey tan iyo intii Itoobiya bedka soo dhigtay damaceeda ku aaddan xeebaha.
Si kastaba ha ahaatee Itoobiya ayaa ku dedaalaysa in ay Ereteriya ku kiciso jabhadda Canfarta ama MoU-gii Somaliland ay dhaqaajiso si ay u hesho bad.