Wararka ka soo baxaya waftigii maamulka Somaliland u direy maamulka Taiwan ayaa sheegaya in uu dhacay heshiis Taiwan loogu saxiixay in ay sugto amniga xeebaha Waqooyi ee Somaliland.
Kulan ay wada yeesheen madaxweynaha Taiwan Lia Ching Te iyo Wasiirka Dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Aadan oo ka dhacey caasimadda Taiwan ee Taipei ayaa dhinacyadu isku afgarteen in amniga badda ee Xeebaha Waqooyi lagu wareejiyo Taiwan.
Madaxweynaha Taiwan ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ku sheegay in Somaliland ay la galeen heshiis ku saabsan Aminga Badda Somaliland iyo Dhaqaalaha Buluugga ah(khayraadka badda).
"Waan ku faraxsannahay in aanu kulannay wafti uu hoggaaminayey Wasiirka Dibedda Somaliland, waxaanu galnay heshiis la xiriira ilaalinta xeebaha iyo ballaarinta iskaashiga sida sugidda amniga badda iyo dhaqaalaha buluugga ah, dalalkeennu waxay qorayaan cutub cusub oo ah iskaashiga dalalka Dimuquraadiga ah” ayuu yiri
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale dalka Turkiga la gashey heshiis lagu sheegay "difaaca amniga” oo ay baddu ka mid tahay.