Faahfaahin horu-dhac ah ayaa kasoo baxday weerarkii cag-marinta ahaa ee saaka dagaalyahannada Al-Shabaab kula wareegeen saldhigyadii ciidamada ee deggaannada Sabiid iyo Caanoole.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 17 askari oo isugu jira ciidamad Uganda iyo maleeshiyaadka Gurguurte.
Sidoo kale weerarkan waxaa lagu dhaawacay ugu yaraan 11 askari oo isugu jira ciidamada Uganda iyo maleeshiyaadka daba-dhilifka u ah.
Xogtu waxay intaa ku dartay in sidoo kale ay jiraan askar isugu jirta Ugaandhiis iyo maleeshiyaad isku tuuray webiga intii uu dagaalku socday, kuwaas oo ilaa haatan geeri iyo nolol mid toona lagu haynin.
Khasaaraha gaaray ciidamada huwanta ayaa waxaa suuro-gal ah inuu intan kasii bato, maadaama sidoo kale ay jiraan bakhtiyo ay kusii dhaafeen duurarkii ay ku firxadeen.
Dagaalkan saaka lagu jabiyey ciidamada huwanta ayay jihaadiyiinta Al-Shabaab kula wareegeen saanad millateri oo isugu jirtay noocyo kala duwan, sida ka muuqatay sawirradii la baahiyey.
Gobolka Banaadir waxaa shalay ka dhacay weerar qarax ah oo jihaadiyiintu ku beegsadeen gaari qooqan ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Gurguurte.
Gaarigan oo maraayay isbaarada Shabeelle ee deggaanka Ceelasah Biyaha ee duleedka Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay askari oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya, 3 kalena waa ay dhaawacmeen.
Sidoo kale jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Shabeellaha hoose waxay xalay qarax culus ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye.
Qaraxan ayaa lagu beegsaday xero ciidan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Gurguurte, kuwaas oo wararku sheegayaan in uu gaaray khasaare kala duwan.