DEG-DEG: Askar dhimasho iyo dhaawac ku noqotay is-rasaasayn ka dhacday Garoowe.

Thursday July 24, 2025 - 11:45:17
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Nugaal ee waqooyi-bari Soomaaliya ayaa sheegaya is-rasaasayn khasaare geystay oo goor dhawayd dhex-martay maleeshiyaadka maamulka Puntland.
Sida ay wararku tibaaxayaan askari ka tirsan maleeshiyaadka Puntland ayaa rasaas oodda kaga qaadday askar ka xaraysay Bajaaj uu watay, kadib markii uu bixin waayay cashuur lagu yeeshay.

Is-rasaasayn daqiiqado socotay kadib waxaa la xaqiijiyey in halkaasi ay ku dhinteen 3 askari, halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxa kale oo warar aan weli la xaqiijin ay sheegayaan in ay jirto wax-yeello sidoo kale soo gaartay dadkii rayidka ahaa ee goobtaasi ka ag dhawaa.

Askariga rasaasta furay ayay wararku sheegayaan in goobtaasi uu ka baxsaday, kadib markii baabuur uu qof shacab ah watay intuu xoog kaga degjiyey uu horey kasii kaxaystay.

Maaha markii ugu horreysay ee maleeshiyaadka Puntland ay sidan oo kale u diriraan, balse waxaa marar badan oo hore ka dhex-qarxay dagaallo khasaare badan geystay.


Related Items

Update cookies preferences