Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa haatan si buuxda gacanta ugu haya deggaanka Sabiid iyo Caanoole oo dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii saaka weerar cag-marin ah ay kula wareegeen.
Bayaan kasoo baxay taliska millateriga Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyey in jihaadiyiintu ay saaka dhowr jiho ka weerareen saldhigyadii huwanta, cagtana ay mariyeen ciidamadaasi oo isugu jiray Yugaandhiis iyo maleeshiyaadka Gurguurte.
Waxaa jira khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada huwanta, waxaana weli socda tirakoobka khasaarahaasi. Iyadoo goor dhawaydna la baahiyey sawirrada cag-marintaasi oo muujinaya sidii saaka gacanta loogu dhigay saldhigyada huwanta iyo sidoo kale saanadda millateri ee jihaadiyiintu ay ku qabsadeen dagaalkaasi.
Weerarkan ay saaka jihaadiyiintu kula wareegeen deggaanka Sabiid iyo Caanoole ayaa dhabar-jab xooggan ku ah ciidamada Afrikaanta Uganda oo usbuucyadii lasoo dhaafay duullaan ku ahaa deggaana Bariire, halkaas oo jihaadiyiintu ka hir-geliyeen ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Ciidamadan saaka cagta la mariyey ee ku sugnaa Sabiid ayaa dhabarka dambe difaac uga ahaa ciidamada Afrikaanta ah ee ku jihaysnaa Bariire, waxaana haatan soo food-saaray dhabar-jab xooggan, iyagoo saaka uu waagu u baryey iyagoo ku jira xaalad go'doon iyo labo aabudh ah kadib jihaadiyiinta Al-Shabaab oo gees walba kaga hareeraysan.
Ciidamadana Uganda ee ay ku habsatay xaaladda hubanti la’aanta ah ayaa usbuuc ka hor kasoo dhaqaaqay Sabiid, iyagoo u raqaansaday dhinaca deggaanka Bariire. Waxaana inta u dhaxaysa labadaasi deggaan lagu gaarsiiyey khasaare culus kadib markii jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ku beegsadeen weerar naf-hur ah.
Waxaa hadda muuqata in aanay jirin meel sahayda ay soo marsadaan ciidanka Afrikaanta ee la go'doomiyey. Waxaanu weerarkan saaka lagu qaaday Sabiid uu ka dhigan yahay fashil baaxad leh oo soo food-saaray ciidamada huwanta, kuwaas oo ay adag tahay in wax hinqasho ah ay sameeyaan.
Isataraatiijiyadda weerarkan ay jihaadiyiintu soo qorsheeyeen ayaa dadka wax falanqeeyaa ku sheegeen inay tahay mid heerkeedu sarreeyo, taas oo si weyn loogu oof-wareemay ciidamada Afrikaanta oo maalmahan bilaabay dhaqdhaqaaqyo la sheegay inay Gurguurte lacago fara badan kaga soo qaateen carqaladaynta deggaannada laga taagay Raayada Tawxiidka.
Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii jihaadiyiintu ay weerarro cag-marin ah kula wareegeen degmada Aw-dheegle, deggaanka Bariire iyo weliba Sabiid. Balse deggaanka Sabiid oo maalmo dhawayd ay kusoo ekeeyeen duullaan cir iyo dhul ah ayaa isna kusoo idlaaday fashil kadib markii jihaladiyiintu ay saaka ku dhufteen dhirbaaxo kulul soona af-jareen dhaqdhaqaaqyadii huwantu ay ka wadeen aaggaasi.