Dowladaha Itoobiya iyo Eretraiya oo muddooyinkan dambe si weyn isugu hub urursanayay ayaa markii ugu horeysay waxaa ka hadlay madaxweynaha Erertaraiya Isaias Afwerki, isagoo eedayn culus u jeediyey xukuumadda Addis Ababa ee garwadeenka uu ka yaay Abiy Axmed.
Afawerki oo kulan la yeeshay saxaafadda maxalliga ah ee Eretriya ayaa sheegay in maamulka Abiy Axmed uu ku hawlan yahay hurinta dagaal ka dhan ah Eretriya, xilli dhibaatooyin xooggani ay kaga furan yihiin gudaha Itoobiya.
Madaxweynaha Eritrea ayaa sidoo kale shaaciyey in maamulka Addis Ababa uu qirtay in dowlado ay ka mid yihiin Faransiiska, Maraykanka iyo Imaaraadka Carabtu ay ku barbar taagan yihiin hurinta dagaalkan la rabo lagu soo qaado Eretriya, sida lagu baahiyey mareegta wasaaradda warfaafinta Eretriya.
Waxa kale oo Asaias Afawerki ka sanqariyey in saanad millateri oo ay ka mid yihiin diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn, gantaallada riddada dheer iyo weliba taangiyo ay soo iibsatay dowladda Itoobiya, iyadoo ku goodiday ayuu yiri moojado weerarro ah ay ku qaadi doonto Eretriya.
Tallaabooyinkan ay Itoobiya qaadday ayuu madaxweynaha Eretriya ku tilmaamay kuwo lagu madadaalinayo dadka aan aqoon taariikhda. Waxaanu ka dhawaajiyey in Eretriya ay si fiican u taqaanno sida la iskaga difaaco cadawgeeda Itoobiya, si buuxdana ugu diyaar-garoobeen.
Afwerki wuxuu sidoo kale ka hadlay damaca badeed ee Itoobiya, isagoo sheegay in qorshaha ay Itoobiya ku doonayso inay kula wareegto dekeddo iyo saldhigyo ciidan oo ku yaal Somaliland uu yahay riyo been ah oo ay isdaawadsiisay, isagoo carabka ku adkeeyay in damacaasi gurracan ay gadaal ka riixayso dowladda Imaaraadka Carabta, oo doonaysa ayuu yiri inay gacanta ku dhigto dekedaha gobolka oo dhan.
Eedayntan culus ee uu jeediyey madaxweynaha Eretriya ayaa jawaab u ah eedaymo ka dhan ah Erertiya oo kasoo yeeray dhinaca Itoobiya, waxaanay eedaynta Afawerki kusoo aadaysa xilli labada dal ay qarka u saaran yihiin dagaal qaraar oo ka dhex-qarxa. Waana markii ugu horreysay oo eedayntu ay u gudubto heer madaxtooyo.