Taliska millateriga Al-Shabaab ayaa goor dhawayd soo saaray bayaan uu ku faahfaahiyey weerarkii cag-marinta ahaa ee saaka ka dhacay deggaanka Sabiid iyo hareeraheeda.
Bayaanka oo faahfaahsan ayaa u qornaa sidan:
"Mujaahidiinta oo Dib Ula Wareegay Deegaanada Sabiid & Caanoole”
30 Muxarram 1447H. (25 July 2025) – Ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta oo Jimco ah weerar xooggan ku qaadeen saldhigyada isbahaysiga ashahaado la dirirka ah ay ku lahaayeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee duleedka degmada Afgooye, Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada hoose.
Cadawga ay Mujaahidiintu weerareen ayaa iskugu jira ciidamo saliibiiyiin Yugaandhays ah iyo maleeshiyaat murtadiin ah oo dabadhilif u ah gaalada kirishtaanka ah.
Isbahaystada gaalada ah ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo shareeca la dirir ah ka waday duleedka degmada Afgooye iyagoo taageero dhanka hawada ah ka helayay diyaaradaha kufaarta NATO, gaar ahaan Maraykanka iyo Turkiga, kuwaas oo duqaymo la beegsanayay dadka Muslimiinta ah ee u badan beeraleyda deegaanka.
Ciidamada Mujaahidiinta oo saakay dhawr jiho ka soo weeraray saldhigyadii saliibiyiinta iyo murtadiinta ayaa -Allaah fadligiis- cagta mariyay cadawgii Islaamka, waxayna si buuxda gacanta ugu dhigeen guud ahaan deegaanada Sabiid iyo Caanoole.
Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray saliibiyiinta iyo murtadiinta kuwaas oo qaarkood bakhtigooda looga cararay goobihii uu dagaalku ka dhacay.
Waxaa sidoo kale jira ghaniimo isugu jirta hub, gaadiid ciidan oo ay Mujaahidiintu kula wareegeen weerarka. Wixii faahfaahin dheeri ee ku saabsan weerarkan dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha Allaah.”