DEG-DEG: Jihaadiyiinta Al-Shabaab oo saaka weerar cag-marin ah kula wareegay deggaanka Sabiid.

Friday July 25, 2025 - 07:38:43
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya weerar xasmin ah oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay saaka kula jarmaadeen deggaanka Sabiid.
Deggaankan oo dhawaan duullaan ballaaran kusoo qaadeen ciidamada huwanta ee Afrikaanta iyo maleeshiyaadka Soomaalida ayaa saaka la kulmay jab aad u ballaaran.

Ilo-wareedyo aanu hadda helnay ayaa sheegaya in jihaadiyiintu ay si buuxda ula wareegeen deggaanka Sabiid, kadib markii ay cagta mariyeen ciidamadii huwanta ahaa ee halkaasi ku sugnaa.

Ciidamadii Ugaandhiiska ahaa iyo maleeshiyaadkii Gurguurte ayay wararku tibaaxayaan in ay kala firxadeen, duurkana lasii baacsanayo.

Waxaa jira khasaare ballaaran oo soo garay ciidamada Afrikaanta iyo sidoo kale maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya.

Jihaadiyiintu waxay raayada Tawxiidka ka taageen dhammaan dhufaysyadii ay ciidamada Afrikaanta iyo maleeshiyaadka daba-dhilifku kaga sugnaayeen Sabiid.

La socda wixii kusoo kordha insha Allaah…

Related Items

Update cookies preferences